jaceyl, Layaab

Qiso Cajiib ah Weeye please ila Akhriya.

Waxay tidhi: Waxaan ahay Gabadh 20 jir ah, mar kasta oo aan kasoo noqdo goobta shaqadayda oo aan imaado guriga waxaan arkaa wiil gaadhigiisu uu taagan yahay gurigayaga hortiisa, waxay tidhi waan la qabsaday muuqaalkiisa.
dhab ahaan wuxuu ahaa wiil ay ka muuqato akhlaq heer sare ah, aad iimuu eegi jirin ee marka uu isha igu dhufto hoos ayuu eegi jiray, inkasta oo aan dhibsaday markii hore hadana waxaan dareemay farxad, waxaan dareemayey inuu isugayo si uu ii arko inuu halkan u yimi Wadnaha ayaa aad ii garaacma sida qof naxsan marka aan arko gaadhigiisa oo gurigayaga hortaagan isna uu ku jiro.

Riyadaydu waxay ahayd in aan guursado ka hor inta aan wakhtigu iga dhicin oo aanan waynaan, In kasta oo gaadhigiisu uu yahay Model ama nooc qadiim ah taasnina ay muujineyso heer ka Dhaqaalihiisa hadana waxaan dareemay in aan danaynayo isaga, waayo waa qof akhlaaq wanaagsan, Waxaan hubsaday waxa i haya inuu yahay Jacayl, waxaan is waydiiyey: Haduu gurigiina garanayo oo yimi tolow muxuu aabahaa kuu waydiisan waayey?,
Malaga yaabaa inuu ka baqayo inla diido sababta heer kayaga dhaqaale oo kala duwan?.

Markasta oo aan shaqada ka imaado ama Shoping iyo dukaamaysi aan u socdo hoos ayuu eegi jiray isaga oo khijilaad iyo xishood ka muuqdo, waxaanu iska dhigi jirey qof wax ku mashuulsan, Waxaan is idhi waxba ha eegin hanti mar haduu sidaa kuu jecel yahay oo maalin kasta saacado kugu sugayo guriga hortiisa si uu kuu arko, xitaa markaan galo guriga kamuu tagi jirin ee wuu isugi jirey si aan usoo baxo, ama uu isha iigu xado, Waxaan niyad ahaan u diyaar garoobay in aan maqlo hadal ama tilmaan yar oo uu isiiyo, diyaar baana u ahaa guurkiisa.

 

Wakhtigii ayaa bil iyo badh kor u dhaafay, Maalintii dambe ayaan go’aan ku gaadhay mar haduu hadli waayey intaa ka badan ma sugi karee inaan anigu la hadlo, Darawalkii gaadhiga ayaan ku idhi istaag, kadibna waan soo dagay, aniga oo wadnahaygu aadu bood-boodayo ayaan ku soo dhawaaday,muu ahayn nin qurux badan, hadana waanu diyaar garoobay inaan aqbalo guurkiisa, daaqada gaadhiga ayan soo istaagay isaga oo sidii caadada u ahaydgaadhiga dhex fadhiya, xoogaa ban yara gariiray, hadana cagaha ayaan dhulka ku adkeeyey oo ku idhi: Iga raalli noqo, maxaan kuu arkaa maalin kasta adigoo taagan albaabka gurigayaga? Inankii ayaa ku jawaabay: Internet Wireless ka xaafadiina ayaa bilaa Password ah, sidaa ayaan u imaadaa halkan..
Kkkkkkkkkkkkk