jaceyl

Farxad-la’aan Darteed Waxa Aan Damcay Inaan Is-dilo

Waxa jiray nin dadka cabanaya la taliya oo lahaa xafiis. Maalin walbana xafiiska waxaa iman jiray dad kala duwan oo ka kala yimid meelo kala duwan kana cabanaya waxyaalo kala duwan, ninkuna waxa uu mid walba uu siin jiray talooyin kala duwan oo togan si ay dhibkooda ugu xalliyaan.
Haddaba dharaar ka mid ah dharaaraha ayaa waxa xafiiskii la taliyaha yimid gabadh aad u qurux badan oo sidata dhar aad u qurux badan. Gabadhani iyadoo taajirad ah ayay waxa ay ka cabaneysay farxad-la’aan, waxayna ninkii ka codsatay inuu siiyo talo ay nolosheedu farxad ku heli karto. Ninkii la taliyaha ahaa waxa uu u yeedhay Islaan faqiirad ah oo xafiiska nadiifiso ka ah. Wuxuuna yidhi, “Islaantan faqiiradda ah ee uu wajigeedu faraxsan yahay ayaan wayddiinayaa sida ay farxadda ku hesho, ee adna waxaan kaa codsan lahaa inaad si wacan aad u dhegeysato.”

Islaantii waxay dhulka dhigtay xaaqinkii [iskoobe] ay sidatay. Way fadhiisatay, kadib na waxay bilowday sheekadii ay farxadda ku heshay. “Ninkaygu waxa uu u geeriyooday xanuunka Duumada [Malaria]. Saddex bilood ka dibna waxa shil baabuur ku dhintay halkii wiil ee aan dhalay. Waxa dhibkaas ii dheeraa maan haysan qof kale oo ila noolaada, maan haysan wax hanti ah. Hurdo maan seexan kareyn, xitaa cunto igamay degeyn. Sidaa darteed farxaddii way iga luntay qosol iyo dhoolla-caddeynna waan iska waayay. Ka dibna noloshii way ii dhadhami weyday. Dhawr jeer ayaan is idhi is dil oo nafta iska qaad waase ay ii cuntami mayday inaan is dilo sababtoo ah nolosha waan jeclahay.


Waxaan sidaa ahaadaba, oo aan jah-wareerkaa ku jiraba, maalin ayaa anigoo gurigeyga u soo socda oo lugaynaya ayaa waxa isoo daba gashay bisad yar. Waan ka naxay oo caano ayaan siiyay. Markii ay caanihii laacday ayay lugtayda afkii iska marmarisay. Ka dibna waan dhoolla-caddeyay waxaanan dareemay farxad. In yar ka dib waan fikiray, “haddii aad bisad yar oo aan caawiyay ay dhoolla-caddeyn i siisay, haddii aan dadka caawin lahaa farxad badan sow kama aan heleen? Ayaan iswayddiiyay.

Maalintii xigtay keeg yar ayaan sameeyay. Waxaanan u geeyay qof jaarkayga ah oo xanuunsanayay. Aad ayaan u farxay markii aan arkay qofkii oo isna faraxsan.

 

Maalin kasta oo aan qof wax siiyo ama aan wanaag u sameeyo waxa aan dareemaa farxad aad u badan. Maanta isma lihi waxa jira qof sidaada walwal la’aan ku seexda ama kaa farxad badan. Waxaanan ogaaday inaan ahay qof muhiim ah oo ay bulshadu u baahan tahay. Teeda kale waxaan ogaaday in dadka oo la caawiyaa ay tahay shay qiimo badan oo farxad badanna lagu helo.

 

Waana midda i siisay farxadda aan maanta ku noolahay!”

Kolkii gabadhii cabanaysay ay sheekadan maqashay ayay ilmo ka soo burqatay. Sababta oo ah waxa ay ahayd gabadh taajirad ah oo haysata wax walba oo lacag lagu iibsan karo, balse waxa ka maqnaa waxyaabaha aan lacagta lagu iibsan karin oo ay farxaddu ka kow tahay.

 

Farxadda nolosheennu kuma xidhna lacag iyo sida aad kaligaa u farxi lahayd, balse marka aad adigu dadka farxaddooda siiso ee aad ka farxiso ayaad adna helaysaa farxaddaada.

 

Haddii aadan adigu farxad haysan u ogolow dadka kale farxaddooda kana farxi, xitaa xayawaanka iyo cayayaanka wax sii oo ka farxi ka dib adna waxa aad heli doontaa farxad aad u badan. Alle oo aad cabsataana waa furaha farxadda iyo guusha. Haddaba fadlan dadka caawi si aad farxad u hesho oo ay noloshuna micno kuugu sameyso.