Uncategorized

Shariif Xasan oo xertay calanka Itoobiya iyo dhoolatus milateri….: VIDEO

iftineducation.com – Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo oo qeyb ka ah howlgalka Amisom, ayaa maanta halkaasi kusoo bandhigay dhoolatus milateri iyo qaabka difaaca hujuumka ugu yimaada Al-Shabaab.


Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ka qeyb galay ayaa la dhacay dhoolatuskaan, isagoo calanka Itoobiyana soo xertay, wuxuuna u mahad celiyay ciidamada Itoobiya, kuna amaanay sida ay garabka ugu yihiin, ugulana dagaalamayaan Al-Shabaab.


Shariif Xasan oo faraxsan, calanka Itoobiyana xeran
Xafladan ay kusoo bandhigeen dhoolatuska ayaa waxay ka danbeysay kadib markii Wasaaradda Difaaca Itoobiya ay bilado guddoon siisay askarteeda ee ka qeyb qaatay howlgaladii lagula dagaalamay al-Shabaab.


RIIX HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA