Uncategorized

DAAWO: Sida Turkiga uu Dib u habayn Ugu Suubinayo Dekedda Magaalada Muqdisho (VIDEO)

iftineducation.com –  DAAWO: Sida Turkiga uu Dib u habayn Ugu Suubinayo Dekedda Magaalada Muqdisho (VIDEO)


Shirkadda gacanta ku haysa dekkedda magaalada Muqdisho ayaa waxa ay soo bandhigtay Video ku tusaya sida shirkaddani ay dib u habayn ugu suubin doonto Dakedda ugu wayn dalka.


Shirkadda Albayrak ayaa bilowgii sanadkii 2014 la wareegtay gacan ku haynta Dakedda, iyadoo markaasi balanqaaday inay dib u habayn ku suubin doonto Dekedda, keeni doontana qalab casri ah oo fududayn doona howlada Dakedda.




Shirkaddan ayaa waxay bishii November 2014 ay shaacisay inay dowladda u soo xaraysay daqli farabadan oo gaaraya 1,5 milyan & bar taasoo ahayd lacagtii ka soo xarootay Dekedda Muqdisho tii ugu badnayd oo gacanta Dowladda soo gasha.




Halkaan Ka Daawo Muuqaalka