Uncategorized

Daawo Sawirada’’ Shirkada Samsung oo soo saartay gaadiid casri ah oo badbaado u ah gaadiidka kale

iftineducation.com – Shirkada Samsung qeybteeda elegtarooniga casriga ayaa soo saartay gaadid Casri ah oo suuragalinaaya in Gaadiidka yar yar looga badbaadiyo shilalka.


Shirkadaani qeybteeda elegtarooniga ee ku taala dalka Konfur Kuriya ayaa dhawaa suuq galisay Gaadiidkaasi waaweyn oo halista jidka uga digaya baabuurta ka danbaysa, kaas oo sida la sheegay bad baado u noqon doona nolosha kumanaan qof oo shilalka gaadiidka ku naf waayi jiray.


Tijaabada gaadiidkaasi ayaa lagu sameeyay wadooyinka waaweyn ee dalkaasi iyadoona la daba dhigay gaadiid ya yar si looga sal gaaro heerka ay gaadiidkaasi Samsung ay soo saaren.


Tijaaabada ayaa waxaa looga qeybqaataay kamarado wireless ku shaqaynaya, oo xaalada ka jirta jidka duubaya waxa ayna gaadiidkaasi ku siinayaan digniino xaalada wadada aad isticmaaleyso.