Uncategorized

Daawo Muuqaal “Ganacsade ka soo jeedo Gobolka Togdheer oo Dhac Layaab leh u geestay ganacsato Soomaali Itoobiya ah!!

iftineducation.com – Ganacsade ka soo jeedo gobolka Togdheer ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay lacag tiro badan ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeedo dowlada degaanka Soomaalida ee dalkaas Itoobiya ka dib markii uu kala wareegay xoolahoodii islamarkaana uusan wax lacag ah siinin xoolodhaqatadaas. 



Ganacsatada xoolaha ka keento dowlada deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegay inay cabasho ka muujiyeen ganacsade ku nool magaalada Burco ee gobolka Togdheer oo ay ku tilmaameen inuu ninkaas uu ka dhacay xoolo ay keeneen magaalada si ay u iibasadaan iyadoona uu ninkaas oo xoolahaas kala wareegay ganacsatadaas uusan wax lacag ah siinin ganacsatadaas, ganacsatadaas ayaa waxay sheegeen in lacag ay cadadeedu ay aad iyo aad ay u badan tahay oo korna u dhaafeyso ilaa iyo 200.000 oo doolar uu ninkaasi uu ka dhacay iyadoona ay intaas raaciyeen ganacsatadaasi inay ninkaas ay ku wareejiyeen xoolo ay keeneen suuqa laakiinse uu wax lacag ka siinin xoolahaas. 


Ugu dambeyntiina iyadoo ganacsatadaasi Soomaaliyeed ay cabashada ka muujiyeen ninkaas ayaa waxaa kale oo ay ganacsatadaasi ay eedeyn u soo jeediyeen masuuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiyaha Maxkamada gobolka Togdheer iyo wasiiru dowlaha Maaliyada ee maamulka Somaliland oo ay sheegeen inay ninkaas uga hiiliyeen islamarkaana ay ka hor yimaadeen inuu fulo xukun ay maxkamadu ugu riday ninkaas ka dhacay xoolohooda. 


RIIX Halkaan ka Daawo Ganacsade ka soo jeedo Gobolka Togdheer oo Dhac Layaab leh u geestay ganacsato Soomaali Itoobiya ah!!