Uncategorized

Shabaab oo Degmada Diinsoor ku toogtay nin ay sheegeen in Sixirool uu ahaa

iftineducation.com – Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu xukun qisaas ah uu ku fuliyay nin ay ku eedeeyeen inuu saaxir ahaa, isla-markaana ay marsiiyeen Shareecada Diinta Islaamka.




Toogashada, ayaa ka dhacday fagaare ku dhow Garoonka Duulimaadyada Diinsoor, iyadoo ayna isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.




Qaadiga Maxkamadda Ururka Al Shabaab ee Degmada Diinsoor, ayaa tilmaamay in ninkaasi uu Maxkamadda ka hor qirtay in saaxir uu ahaa, taasina ay keentay in xukunkaan lagu fuliyo.




Qaadiga, ayaa ninka la toogtay waxa uu magaciisa ku sheegay Macalin Cabduqaadir Sheekh Aadan, wuxuuna ka mid ahaa sida uu sheegay dadka deegaanka.




Ciidamada Xisbada ee Ururka Al Shabaab, ayaa la sheegay inay ninkaasi gacanta ku soo dhigeen, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay daba-gal ku hayeen.




Qaadiga, ayaa ku cago jugleeyay inay toogan doonaan cid kasta oo fal sixirka la xiriira, ay ku soo qabtaan.