Uncategorized

Jay-Z, Beyonce, Beckham iyo martidii caawa daawanaysay ciyaartii PSG iyo Barcelona ee ka dhacday Paris

iftineducation.com – Kulankii cuslaa ee caawa ka dhacay Garoonka ‘Parc de Princes’ ee magaallada Paris ee dhex martay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Barcelona ayaa waxaa ka soo qayb galay marti ay ka mid ahaayeen shaqsiyaad caan ah.


Waxaa ka mid ahaa dadkii kulankan daawanayay Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy, Fannaanka weyn ee Heesaha RAP-ka Mareykanka Jay-Z iyo xaaskiisa Beyonce, xidiggii hore ee Jarmalka Lauther Mathius iyo Madaxda kooxaha Barcelona iyo PSG.


Dhinaca kale kulankan oo ku dhammaaday 3-2 oo looga gacan sarreeyay Barcelona ayaa waxa uu ahaa kulankii 100’ ee Koobka Champions League uu ciyaaro kubbad qaabeeyaha Barcelona Andres Iniesta.