Uncategorized

Haka Baqiilin Taladaada : Waxaan Soo Arkay Dad Badan Oo Qalbiga Iga Dila Waxaan U Baahnahay Talo..

XMarka ugu horeysa waan idin salaamay asxaabta qiimiga mudan ee bahda
Alcarabiya.com salaan kadib waxaan kamid ahay dhalinyarada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkii hooyo, waxaan ahay qof isku filan oo
leh aqoon fiican misna shaqaysta, magacna ku dhex leh bulshada
Soomaaliyeed.
Magacaygu waa Cabdiraxmaan waxaan ahay qof aad u naxariis badan kana
samaysan dareen caashaq ka dhashay ehel wada jacayl ah oo dabeecad
wacan, dagan oo dulqaad badan, samirna daris la ah misna hadana
sifooyinkaas iyo nolosha aan ku jiro marna kuma qanacsani sababo badan
oo jira awgeed.
Waxaan nolosha jacaylka iyo dareenka caashaqa ku salaysan aan kusoo
biiray sanadkii 2001 xiligaas oo aan ku noolaa magaalada Hargaysa,
waxaana aan aad uga helay gabadh i qancisay aniga oo aan isku dugsi
ahayn wakhtigaasi.
Xidhiidh iyo is barasho dheer oo na dhex martay kadib, waxaan guda
galnay mawjadaha caashaqa muddo sanad iyo xoogaa ah markii aan ku
jirnay nolosha iyo wakhtigaygana aan ku qanacsanayn waxaa gabadhii
kusoo booday xanuun rabaani ah oo dhanka wadnaha ah muddo cisbitaal
iyo wada qaadasho lagu baxnaaninayey kadib gabadhaasi sidaas ayey ku
geeriyootay ama aan ku waayey jacaylkaygii, ana waan kasoo haajiray
magaaladii waayo cidlo ayaan ku noqday maankaygana xusuusta
jacaylkayga ayaa dayn wayday waxaana u soo kacay dhanka magaalada
Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Muddo ilaa 6 sano ku dhowaad ah kadib markii ay kasoo wareegtay
dhimashada gacalisadayda waxaan maalin dhanka khadka Telephone-ka ku
nasiibso igu soo gashay gabadh reer Laascaanood ah waana is baranay.
Xiligaas oo taariikhdu ahayd dabayaaqadii sanadkii 2008 waan ka tagay
magaalada Laascaanood waxaana aaday magaalada Boosaaso ee xarunta
gobolka Bari halkaas oo aan kasii watay waxbarashadaydii, balse waxaan
soo laabtay isla sanadkii 2009 xiligaas oo aan sii xoojiyey
xidhiidhkeenii aniga iyo gabadha.
Wakhti dheer oo aan deegaanka ku wada sugnayn iyo xiisa badan oo aan
wada qaadanay waxaa la gaadhay 2011, xiligaas oo aan u kicitimay
dhanka magaalada Buuhoodle si aan reerkayga arinta guurka gabadha aan
jeclahay ugala soo hadlo balse aniga oo arintaasi meel wacan ii
marayso ayaa qoftaasi jeclaystay in aan xidhiidhkeena jarno xoogaa
kaftan ah oo ay ka xanaaqday awgii sidaas ayuuna jacaylkaygii labaad
ku khasaaray.
Ana xiligaas waxaan ku dhacay kaabad ama dayr waxaana aan matagay
dhiig kaas oo aan markii dambe koomo la galay oo aan ku jiray ilaa 6
saacadood.
Isla xiligaas waxaa layga mamnuucay Telephone iyo dhamaanba khadka
waxaana lay qoray dawo si aan u qaato dawada oo awood weyneydna
xidhiidhka jacaylkaygii oo xanaaq arintiisu ahayd ayaa sidaas ku
go’ay.
3 Bilood kadib ayaan gabadhii ku kulanay magaalada Laascaanood si
kasta oo aan wax ugu sheegayna gacalisadaydu maysan garowsan oo iima
diir nixin marnaba.
Jaamacad ayaan Hargaysa u aaday isla xiligaasi waana kasoo baxay oo
waxaan kasoo qaatay shahaado ah dhanka saxaafada iyo maamulka iyo
maareynta inta aan jaamacada watay oo dhana raali gelinta
gacalisadayda ayaan waday balse way iga dhaga adaygtay.
Qalin jabin kadib ayaan hadana deegaankii iskugu soo laabanay iyadoo
weli la guursan si kasta oo aan guur iyo raali gelin uga dalbadayna
waa ay iga diiday, waxaana aan shaqo ka helay magaalada Buuhoodle
Buuhoodle ayaana sidaas mar kale ku tagay oo aan iska dagay.
Sanadkii 2012 waxaa Buuhoodle aan ku kulanay gabadh aan qaraabo dhow
nahay oo Nairobi ka timi xidhiidh jacayl oo ay iisoo bandhigtay kadib
aqbalaad iyo sheeko dheer waxaan isku guursanay sanadkii 2013 isla
magaalada Buuhoodle.
Markii aan is qabnay xoogaa ilaa 4 bil ku dhowaad ayaa gabadhii masayr
iyo dagaal aan garan waayey igu bilowday waxaana ugu dambeyntii
arintaasi gaadhay furiin sidaas ayaana ku kala tagnay.
Hadana bil kadib ayey iisoo laabatay oo ay tiri khaladka anaa lahaa ee
aan reerkeenii dhaqano ana waan ka aqbalay waayo uma aan xumeyn iyada,
nafteeda, reerkayga, bilkiisa iyo wax kasta oo ay u baahan tahay
waxaana ahaa ahayna markasta qof dhowrsan oo af gaaban lagana dabiyo
cayda, aflagaadada, dagaalka dumarka, qabyaalada iyo dhibaataynta
dadka shacabka ah.
Sidaas ayeyna ugu soo laabatay reerkeedii balse hadana hal bil kadib
ayey dhibaatayntii bilowday oo xataa xaalku gaadhay in nafta layga
jaro, biyo kuluul, mindi iyo guri gub sidaas ayaana mar kale ku kala
tagnay, ana wixii xiligaas ka dambeeyey waan kasoo haajiray
deegaankaasi waxaana imi Laascaanood iyo hooyo waxaase shaqo iiga soo
baxday Garoowe sidaas ayaana Garoowe ku aaday.
Muddo markii aan kalinimo iskaga noolaa noloshuna ii macaaneyd waxaad
kusoo laabtay Laascaanood, waxaana iska jeclaystay in aan u wehel
yeelo hooyaday oo kali ku ah magaalada ama uu san la daganay isla
magaalada ilmo ay dhashay.
Waxaan khadka ka bartay gabadh reer UK ah is barasho dheer waxay
arintu gaadhay in aan arimaha guurka ka wada hadalno isna barno ehelka
labada dhinac dhankayga arinta waan ka giijiyey, waxaana aan baray
dhamaanba ehelkayga si daacadnimo ku dheehan tahay aniga oo aan
mehersan ayaan qal qaalo dheer u galay waxaana balantaydu ku ekayd in
aan soo doono isla bisha April ama 4aad balse arintaasi mid yara
dhicisowday ayey u eg tahay waayo gabadhii ilaa hada wax rasmi ah kama
hayo ana dhankayga wax walba waa ka diyaar oo xataa xeedhooyin ayaa la
sameeyey hawl badana waa dhacday mid kalena waa la filayey.
Ma garanayo ilaa hada waxa keenay in arintani dibu dhac uu ku yimaado
iyo waxa aan xataa jawaab uga la ahay gabadha haatan aan jeclahay iyo
sababaha ehelka iyo aniga iiga qaban la dahay telka iyo xidhiidh
la’aanta meesha ka jirta waxa keenay.
Waxaan ahay sida aan hore u sheegay qof daacad ah misna dulqaad badan
oo samirka daris la ah hadana naxariis badan, waxaanse garan la ahay
naxariista iyo jacaylka badan ee aan dumarka siinayo miyaa dhibaato
markasta ani igu abuuraysa mise kalgacalka iyo jacayl in la siiyo ma
mudna hablaha Soomaaliyeed, mise nasiibkayga ayaa sidaa iska ah waana
yaaba nahee…………..