Uncategorized

Xaalad Nolol Xumo oo La Soo Daristay Barakacayaal Ku Nool Degmada Luuq

iftineducation.com – Barakacayaal ku nool degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya daryeel xumo dhinaca nolosha iyo caafimaadka ah, xilli carruur badan uu ku dhacay cudurka shuban biyoodka.

Cabdullaahi Saleebaan Cali oo kamid ah barakayaasha ayaa sheegay in in muddo ah aysan helin wax gar gaar ah, taasoo keentay inay soo wajahdo nolol xumo iyo dhibaato dhinaca caafimaadka ah.

Wuxuu ka digay cudurro kale oo ka dilaaca xeryaha barakacayaasha, haddii dadku aysan helin gargaar deg deg ah.

Cabdullaahi ayaa ka codsaday hay’adaha gargaarka iyo qurba joogta Soomaalida inay usoo gurmadaan dadka barakacayaasha ah oo noloshoodu xilligan ay aad u liidato.