Uncategorized

Madaxweynaha FIFA: Inta Ay Cadaalad Darada Jirto Ma Arki Doono Xul Afrikaan Ah Oo Ku Guuleysta Koobka Aduunka

iftineducation.com – Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter ayaa doonaya in boosas badan laga siiyo Koobka Adduunka xulalka Afrika iyo Aasiya.

Koobka Adduunka ee 2014 ka dhacaya Brazil, Yurub waxa ay ku leedahay 13 xul, Afrika shan xul halka Asia ay ku leedahay afar xul.

“Qaabkaan qaaradaha loogu qeybiyo boosaska Koobka Adduunka waa in wax laga bedelo” ayuu Blatter ku qoray majalada isbuuclaha ee FIFA ay soo saarto.

“Waa Afrika xiriirka leh xubnaha ugu badan ee 54 dal, si aad u hooseysa oo xun ayaana wakiil looga noqdaa Koobka Adduunka.”

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Ilaa iyo inta ay xaalada tahay sida ay haatan tahay ma arki doono xul Afrikaan ah oo ku guuleysta Koobka Adduunka, si kasta oo xulalka ay isku horumariyaan.

“Fursad isku mid ah oo loo heysto Koobka ayaa ka dhigi karta cadaalad koobka ugu weyn isboortiga”