Uncategorized

Exclusive News:Xukuumada Somaliya oo Afar idaacad iyo Afar Tv kasoo reebeysa kuwa ka shaqeeya Muqdisho inta kalena xireysa (AKHRISO)

iftineducation.com Inkabadan 25 idaacadood ayaa waxay hadda ka shaqeeyaan caasimada Somaliya ee magaalada Muqdisho taasi oo jaan iyo dhalan rog maskaxeed sameeyey.

Xubno katirsan wasaarada Warfaafinta Somaliya ayaa usheegay Warqaad.com inay Xukuumada gaar ahaan Wasaarada Warfaafinta ay wado barnaamij lagu xirayo in kabadan 20 idaacadood oo aan hadda wax muuqda ka qaban Muqdisho.

Saraakiil katirsan Xafiiska Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegay in afar idaacadood oo midi ay tahay warbaahinta Dawlada iyo Afar Tv loo fasaxayo inay ka shaqeeyaan Muqdisho inta kalena ay albaabada iskugu dhufanayaan.

Tv-yada sii shaqeyanay

Universal

Horn Caple t

Somali Channe

Tv-ga Qaranka Somaliya (SN TV)

Idaacadaha sii shaqeyn doona

-Radio Muqdisho

-Radio Kulmiye

-Radio Shabelle

-Star Fm xarunteeda Muqdisho

Hadii ay run noqoto qorshahaan waxa uu saameyn ku yeelan doonaa warbaahin la dhageysto kana madax banaan siyaasada dalka laakiin dhaqaale badana ka heli jiray xayeysiimaha ganacsi ee Muqdisho ka jira waxaana ka mid ah idaacadahaasi:

-Risaala

-Mustaqbal Radio

-Goob joog Fm

-Qaran Radio

-Danan Radio

-Codka Haweenka AMAN

-Idaacada Kasmo

-Radio Haatuf

-Radio wadaag

-VOD Codka Xamar

-Al Nuur Fm

-Sky Fm

-Banaadir

-Idaacada Simba

-Idaacada STN iyo dhowr kale oo dhageysigooda aad uhooseeyo

Isbar bar yaaca Warbaahinta Fm-ta Muqdisho ka howlgasha ayaa hore waxa uxadeyn waayey Xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray iyagoo u arkayey makrafoono wixii ay rabaan ka sheega lacagana (SHARUUR) ka qaata.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa hadda dalka ka maqan waxaana markii uu yimaado loo gudbinayaa qorshahaan oo kolkii horeba loo gudbiyey lamana oga sida ay agaasimeyeyaasha idaacadaha la sheegay in la xirayo ay u aqbali doonaan qorshahaasi hadii la dhaqan geliyo.