Uncategorized

Dowlada Uganda oo Dad Soomaali Ah Dib Ugu Celisay Muqdisho

iftineducation.com Dowladda Yugandha ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi u diiday inay gudaha u galaan dad Soomaali ah, kuwaas oo ay dib ugu soo celisay magaalada Muqdisho dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka dib markii ay waayeen cid ay damiinta, ayna sheegi waayeen goobta ay rasmi ahaan ugu socdaan.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliya ee dalka Yugandha, Abuukar Garweyne ayaa Idaacadda BBC-da u sheegay in dadkaas oo isugu jiray rag, dumar iyo caruur dib looga celiyay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala, kuwaas oo lagu soo celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka dhoofeen.

“Dad badan ayaa maalmihii la soo dhaafay laga celiyay garoonka diyaaradaha ee Entebbe ee dalka Yugandha, waxaana arrintan kala hadalnay hay’adaha ammaanka Yugandha, waayo innagu waxaan sameynay xafiis lagu diiwaangeliyo dadka Soomaaliya ka imaanaya” ayuu yiri Guddoomiyaha jaaliyadda Yugandha Abuurkar Garweyne.

Arrinkan ay sameysay Dowlada Yugandha ayaa ku soo adaya iyadoo adkeysay ammaanka dalkeeda ka dib markii ay Al-shabaab ku hanjabtay inay weeraro ka geysaneyso dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Al-shabaab ay bishii hore weerartay rugta ganacsiga Westgate Mall oo ku taala magaalada Nairobi taas oo keentay in ammaanka dalalka Burundi iyo Yuganda si weyn loo adkeeyo.