Uncategorized

Dowlada Soomaaliya oo Wada Qorshe Ay Ku Mideynayso Bulshada Gobolada Dhexe

iftineducation.com Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay ugu gogol xaarayso shirar lagu midaynayo bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dhexe.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhowaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug uu u ambabixin doono wafdi ka qeyb-qaadan doona meel marinta nidaamka federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladdu ay gacan buuxda ka geysan doonto ballaarinta dib-u-heshiisiinta gobollada dhexe.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hadalkan ka jeediyay kulan lagu heshiisiiyay beelo ku dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug oo maanta uu uga qeyb-galay magaalada Muqdisho.