Uncategorized

Dabeylihii Ugu Xumaa Abid oo Ku Soo Fool Leh England Iyo Walls (DAAWO)

iftineducation.com Laamaha la socodka cimilada ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa soo saaray digniin cusub oo la xiriira, dabaylo xawaare heerkoodu sareeyo ku socda, kuwaas oo ku soo fool leh gobolada England iyo Walls ee dalkaas, si wayna looga cabsi qabo inay ku dhuftaan dhulka xeebaha ah.


Digniintan ayay laanta la socodka cimilada iyo xaalada heer kulka ee dalkaasi ku tilmaantay mid halisteedu ku soo waajahan tahay dalkaas, waxaanay ka digtay in la digtoonaado, sida warbixin ay soo saartay waxa ay dabaylahan ku soo foolka leh dalkaasi ku socdaan xawaare gaarsiisan boqol iyo sodon km saacadii, halka heerka jooga biyaha badu kor u kacayaana gaari doonaan ilaa shan iyo labaatan feet.

Dabaylahan ayay dadka saadaaliya xaalada cimiladu tilmaamayaan ama ku doodayaan in ay la mid noqon karaan, kuwii sanadkii 1987-kii ku dhuftay dalkaas oo sababay burburkii ugu waynaa, sida la tilmaamayo, wakhtigaas waxa dhacday in hay’ada la socoshada cimilada ee dalkaasi ay ku guul daraysatay in ay ka sii digto halista dabaylahaas duufaanada watay.

Waxa dabaylahaas sanadkii 1987-kii ku burburay magaalooyin tiro badan, waxa kale oo aad loo wada xasuustaa khasaaraha uu gaystay, duufaanadaasi in ilaa shan iyo labaatan kun oo geed ay gooyeen dabayluhu.