Uncategorized

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo kahadlay Go’aankii Maxkamada Sare ee Kenya

iftineducation.com – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa uhambaleeyay madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

”Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowlada Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaan jeclaan lahaa in hambalyo qalbiga ka timid usoo jeediyo madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyada Kenya” ayuu sheegay Xasan Sh Maxamuud.


Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo in hogaanka cusub ee Kenya uu keeni doono sanado badan oo isbadal ah.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay sii xoogaysan doonto saaxiibnimada Soomaaliya iyo Kenya ayna ku rajo weyn yihiin in mustaqbalka labada dhinac uu gaaro heer sare.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya mudo gaaban kadib markii maxkamada sare ee Kenya ay xakuntay in Uhuru Kenyatta uu yahay Madaxweynaha shacabka ay Doorteen, halka Raila uu isna aqbalay.


Fadlan Like Iyo Share si aad asXaabtada inTa internetka iStiCmaAsho ugu gudbiso Thanks


 ____________________________________ 
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow 
iftineducation Media Network 
http://www.iftineducation.com 
iftineducationmedia@gmail.com