Uncategorized

Diyaarad ay lasocdeen Masuuliyiin badan oo kamid ah dowlada Soomaaliya iyo shacab fara badan oo si dirqi ah ay uga bad baaday shil ay hawada sare ku gali laheyd.

iftineducation.com Sida ay sheegayaan wararka aan laga helaayo Garoonka Diyaaradaha magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi dib ay u caga dhigatay diyaarada African Airways kadib markii ay cilad deg deg ah ku timid inyar kadib markii ay garoonkaasi kasoo duushay.

Masuliyiin katirsan Dowlada federlka Soomaaliya ay Kamid yihiin Safiirka Soomaaliya u qaabishan Sinigole, Max’ed Xuseen Owliyo, Xildhibaan Burci Max’ed Xamza, Khaliif Axmed Ereg, Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir Iyo masuuliyiin kale oo aan magacyadooda lasoo boobin ayaa lashegay in ay diyaarada Muqdisho ugu soo safrayeen.

Diyaarada ayaa lasheegay in xilligaan lagu dayactirayo garoonka Joomo Keennyaata Air Port si mar kale safarkeeda ay u soo anba qaado iyada oo ilaa hada aan lasheegin cilada soo wajahday inta ay la egtahay.

Dadkii ku safrayay diyaaradaasi oo ku sugan garoonka ayaa qaarkood waxa ay canbaereeyeen maamulka diyaarada oo dadka aan meel ku sheegin iyada oo ay kamid yihiin dad aan heysan qarash dheeraad ah oo iska bixin la’ qaraashaadka dheeraadka ah ee maanta gelaya.




Fadlan Like Iyo Share si aad asXaabtada inTa internetka iStiCmaAsho ugu gudbiso Thanks


 ____________________________________ 
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow 
iftineducation Media Network 
http://www.iftineducation.com 
iftineducationmedia@gmail.com