Uncategorized

Sharciga Badda Soomaaliyeed oo Af-Soomaali loo rogey 40-sano kabacdi: SomaliTalk.com

Waxaa Af-Soomaali ku tarjumey: SOMALITALK.COM

***

Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo Dekedaha ee soo baxay 10 –kii September 1972

Qodobka 1aad

Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)

1. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya (Territorial Sea) waa qayb kamid ah badda oo gaaraysa 200 mayl badeed (nautical miles) ee xeebaha qaaradda iyo xeebaha jasiiradaha, oo lagu xadeeyey sida ku qeexan qodobka 2aad iyo 3aad ee Sharcigan.


2. Dhul Badeedka Wadanka Soomaaliya waxa uu soo hoos gelayaa Xornimada (Sovereignty) Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Dembiyada ku saabsan xagga caafimaadka iyo ammaanka shacabka ee lagu galo maraakiib maraaysa gudaha xuduudka dhulbadeedka Soomaaliya, waxaa lagu xukumayaa Sharciga Soomaaliya.

Qodobka 2aad

Cabbirka Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea)

1. Asaaska caadiga ah ee laga cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan yahay xaduud badeedka Wadanka Soomaaliya, waa xarriiq toosan oo xeebta ku dherersan, taas oo dhacda meel joogga biyaha baddu hooseeyo.

2. Goobaha xeebta ee sii gashan gudaha berriga ama meesha leh jasiirado yaryar oo ku teedsan cirifka xeebta, markaas nidaamka (xadaynta ee) la raacayaa waa xarriiq toosan oo isku xireysa laba barood oo ku haboon, taas oo looga cabbir qaadanayo fogaanta uu xeebta ka durugsan yahay xadka dhul badeedka wadanka (Somalia Territorial Sea).

3. Biyaha dhanka xeebta ka xiga xarriiqda asaaska u ah cabbirka dhul badeedka wadanka (Somali Territorial Sea) waxay la mid noqonayaan biyaha xiga  gudaha dhulka qaranka, waxaana taas sii qeexaya qodobka 4aad ee hoose.

Qodobka 3aad

Dhul-badeedka  Jasiiradaha iyo Jasiiradaha yaryar ee teedsan

1. Meelaha ay jasiiradi ku dhextaal gudaha xadka 200-mayl-badeed biyaha halkaas ku dhex wareegsani waxay soo hoos gelayaan dhul-badeedka wadanka Soomaaliya (Territorial Sea). Biyaha halkaas ku xeeran ballacoodu wuxuu noqonayaa 200 mayl badeed, waxaana laga cabirayaa meesha ugu hoosaysa ee biyuhu u gaarayaan jasiiradda.

2. Jasiiradaha yaryar oo isku xiriirsan waa in loo tixgeliyo in ay isku dhegan yihiin, isla markaasna dhul badeedka (Territorial sea) waxaa laga cabbir qaadanayaa jasiiradda dhexda u ah jasiiradahaas aadka u yaryar ee isku xiriirsan.

Qodobka 4aad

Biyaha Gudaha (ka xiga xarriiqda cabbir qaadashada)  iyo Dekedaha Badda

1. Biyaha badda ee dhanka gudaha (ee xeebta ka xiga xarriiqda looga cabbir qaato xadaynta), oo ay ka mid yihiin biyaha lagu dhex safri karo ee  webiyaasha Soomaaliya ee u furan maraakiibta badda iyo dekedaha badda ee ku  yaal aaggaas, waxaa cabbirkooda sugaya shaxda ku lifaaqan sharcigan.

2. Biyaha gudaha Soomaaliya waxay la xeer yihiin xornimada/madaxbannaanida Jamhuuriyadda sida ay dhigayaan Qaanuunadda Soomaaliya iyo qodobada kamid ah sharcigan.

Qodobka 5aad

Kalluumaysiga iyo ku safridda dhul-xeebeedka

1. Kalluumaysiga gudaha dhul badeedka wadanka (Somalia Territorial Sea) iyo ku safrida caadiga ah ee dadka iyo alaabooyinka ee inta u dhaxaysa dekedaha  Soomaaliya waxay u xafidan tahay (gaar u tahay) maraakiibta ay suran yihiin calanka Soomaaliya, iyo maraakiibta kale oo si sharci ah loogu ogolaaday.

 2. Ku xad gudub kasta oo lagu sameeyo qodobka sare waxaa lagu ciqaabi doonaa ganaax u dhexeeya 5,000/-  ilaa 10,000/- Somali shillings, waxaana ganaaxaas la laba laabayaa haddii xad gudub soo noqnoqda uu ku kaco markab ama hawl-wadeenkiisa (naakhuudaha), isla markaasna naakhuudaha markabku waxaa lagu qaadi karaa qaanuunka fal-dembiyeedka ee u deggan Soomaaliya (penal laws), iyo in islamarkaasna markabka lala wareego.

3. Waxaa waxba kama jiraan ah oo aan wax ka soo qaad lahayn qandaraas kasta oo ku saabsan xamuul qaadis (transportation) oo la galo ayadoo aan la waafaqin farqadda 1 ee sare, islamarkaasna markabka fuliya hawshaas (aan waafaqsanayn farqadda 1 ee sare) ama isku daya in uu fuliyo waxaa gaanaaxiisu noqonayaa mid u dhigma 5-laab xamuulka uu sido ama lacagtii uu ka soo qaatay xamuulka ama ganaax go’an oo u dhigma hawl gal la mid ah oo hore loo fuliyey.

Qodobka 6aad

Eed la’aan ku Maridda Dhul-Badeedka Wadanka Soomaaliya

Ayadoo la raacayo qodobada sharcigan (ayadoo sharcigan Soomaaliya loo hoggaansamayo), maraakiibta ganacsiga ee dalalka oo dhan waxaa loo ogol yahay in ay si eed la’aan ah u maraan dhul badeedka wadanka (Somalia Territorial Sea) ayadoo la raacayo qodoba ku qeexan sharcigan iyo asaaska guud ee sharciga caalamiga ah ee badaha. 

Qodobka 7aad

 Macnaha/qeexidda: Eed La’aan ku marid

1. Maridda (eed la’aanta ah) macnaheedu waa in la dhex maro dhulbadeedka wadanka (Somalaia Territorial Sea) ayadoo ujeedadu tahay mid ka mida arrimahan: in laga gudbayo baddaas ayadoo aan la gelayn biyaha xiga dhanka xeebta ama in la marayo ayadoo loo socdo biyaha gudaha, ama laga yimid biyaha gudaha oo loo socdo badweynta.

2. Maridda(eed la’aanta ah)  waxaa ka mid ah in la istaago ama barroosinka la dhigto, laakiin waa haddii oo keliya ay arrintaasi ku dhacdo si aan ula kac ahayn ee safridda caadiga ah ama ay khasabto xaalad ka awood badan ama xaalad degdeg ah oo dhib la soo dersey, laakiin waa in aan laga rarin xamuul ama rakaab.

Qodobka 8aad

Shuruudaha Eed la’aan ku maridda

Mariddu waa eed la’aan ilaa inta aysan carqaladaynayn ammaaanka, kala dambaynta, caafimaadka ama ammaanka Jamhuuriyadda. Maritaanka noocaas ah waa in uu ahaado mid waafaqaya qodobada uu dhigayo sharcigani, iyo xeerarka guud iyo asaaska sharciga caalamiga ah. 

Qodobka 9aad

Maridda Mamnuuca ah

1. Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay dhex maraan dhul-badeedka wadanka (Somali Territorial Sea) iyo biyaha xiga dhanka xeebta.

2. Haddii ay dhacdo in lagu xad gudbo farqadda sare waxaa maamulka Soomaalidu qaadi karaan tallaabo kasta oo loo baahan yahay si taas loo xaqiijiyo qodobkaas.

Qodobka 10aad

Maraakiibta Dagaalka

1. Maraakiibta dagaalka looma ogola in ay dhex maraan dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea), haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliya.

Qodobka 11aad

Qadarinta Sharciyada Soomaaliya ee dhul-badeedka (Territorial Sea)

1. Dhammaan maraakiibta si eed la’aan ah u maraya (badda Soomaaliya) waa in ay u hoggaansamaan Sharciyada Soomaaliya iyo xeerarkeeda.

2. Markab kasta ee dhex maraya dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea) waa in ay muujiyaan calanka dalkooda, isla markaasna waa in ay u hoggaansamaan amarrada lagu bixiyo sida ay dhigayaan sharciyada Soomaaliya oo ay bixiyaan maamullada u xilsaaran.

3. Haddii ay dhacdo in lagu xad gudbo mid kamid ah farqadaha sare waxaa markabka lagu ciqaabayaa ganaax u dhexeeya 1,000/-  ilaa 100,000/- Somali shillings, waa haddii dhacdadu aysan mutaysan fal-dembiyeed aad u weyn.

Qodobka 12aad

Gelidda Biyaha Gudaha (xeebta ka xiga xarriiqda cabbir qaadashada)

1. Dhammaan maraakiibta ujeedadoodu tahay in ay galaan biyaha gudaha (xeebta ka xiga xarriiqda looga cabir qaato xadaynta) ama dekedaha waa in ay u hoggaansamaan farqadaha ku qeexan Xeerka Badda.

2. Ayadoo la waafaqayo sida ku xadidan Qodobka 5aad ee sharcigan, dhammaan maraakiibta ganacsiga, marka laga reebo sida ku xusan qodobka 9aad, farqaddiisa 1aad ee sare, waxaa la siinayaa ogolaansho ay ku geli karaan dekedaha Soomaaliya oo ay u gelayaan hawlgal ganacsi kasta, gaar ahaan raridda iyo dejinta xamuulka ama dejinta rakaabka.

Qodobka 13aad

Aagagga Difaaca

Maamulka Soomaaliyeed ee u xil saaran waxay ku dhaqaaqi karaan hawlgal loo baahan yahay oo ah in si kumeel gaar ah loo joojinayo dhammaan maraakiibtu in ay maraan meel la cayimay oo ka mid ah dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea) haddii loo baahdo si loo difaaco ammaanka Qaranka.

Qodobka 14aad

Khidmadda Adeegyada la fuliyey

Khidmada laga qaado maraakiibta geleysa biyaha xiga dhanka xeebta, mid la mid ah waxaa laga qaadayaa maraakiibta shisheeye ee dhex maraya dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea) taas oo looga qaadayo adeeg loo qabtay ama hawl la qabtay oo la xiriirta ammaankooda ama dhaqan gelin xeerarka booliska bad-ku-safrida (navigation police). 

Qodobka 15aad

Qaanuunka Fal-dembiyeed eek u aaddan Maraakiibta Shisheeye

1. Qaanuunka fal-dembiyeed ee Jamhuuryadda Soomaaliya ayaa loo adeegsanayaa waxa saaran markiibta shisheeye ee dhex maraya dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea) ama kuwa kusoo xirta dekedaha, arrintaas oo ku saabsan xabsiga in loo taxaabo dad ama in la fuliyo baaritaan la xiriira fal-dembiyeed ka dhacay markabka dushiisha ayadoo markabkaasi dhex marayey (badda Soomaaliya). Qaanuunka fal-dembiyeedku wuxuu ku xadidan yahay xaaladaha soo socda:

(a) Haddii cawaaqibka fal-dembiyeedku uu gaarayo dhulka Jamhuuriyadda;

(b) Haddii fal-dembiyeedka noociisu yahay mid carqaladaynaya nabadda dalka ama kala dambaynta dekeddaha ee dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea);

(c) Haddii maamulka ku sugan agga uu gargaar soo weydiisto naakhuudaha markabka ama dalka leh calanka suran markabka;

(d) Haddii loo baahdo in la hor istaago shixnad daroogo ah.

2. Maamulka (u xilsaaran) wuxuu qaadi karaa tallaabo kasta oo ay ogolaanayaan sharciyada Soomaaliya iyo xeerarkeeda oo ku aaddan xabsi u taxaabid ama baaritaan (investigation) lagu sameeyo waxa saaran markab shisheeye ah marka uu dhex marayo dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea) kaddib marka uu ka tago biyaha xiga dhanka xeebta ama deked.

3. Haddii ay dhacaan xaaladaha ku xusan qodobkan faarqadiisa 1aad iyo 2aad maamulku waxa ay samaynayaan, haddii naakuudaha markabku uu sidaas weydiisto, in ay la tashadaan maamulka dalka leh calanka suran markabka kahor inta aan wax tallaabo ah la qaadin, islamarkaasna la sahlo wada xiriirka maamulkaas iyo shaqaalaha markabka. Haddii ay dhacdo xaalad degdeg ah (emergency) waxaa wargelintaan la gaarsiinaya ayadoo islamarkaas arrintaas la maaraynayo (la xallinayo).

4. Maamulka aagga ku sugan wax tallaabo ah kama qaadi karaan markab dhexmaraya  dhul-badeedka Soomaaliya, sida in la xiro qofna ama lagu sameeyo baaris ku saabsan fal-dembiyeed dhacay ka hor inta aan markabku soo gelin dhul-badeedka wadanka (Somalia territorial sea), markabkaas oo waxa keliya oo uu samaynayaa ay tahay in uu ka dhex gudbayo dhul-badeedka Soomaaliya  isagoo aan geleynin biyaha gudaha xeebta.

Qodobka 16aad

Xeerka Madaniga eek u aaddan Maraakiibta Shisheeye

Maamulku uma geysan karaan xabsi markab ayadoo arrintu tahay oo keliya mid la xiriirta madani, marka laga reebo:

(a) Ayadoo la eegayo waajibaad saaran ama uu masuul ka yahay markabka qudhiisu taas oo uu sameeyey inta uu ku dhex jiro safarka uu ku dhexmarayo dhul-badeedka wadanka Soomaaliya ama biyaha xiga dhanka xeebta.

(b) Aydoo la eegayo xaaladaha ku qeexan Xeerka Badaha.

Qodobka 17aad

Maraakiibta Dawladeed

1. Xeerarka ku qeexan qodobada sare waxa ay sidoo kale khuseeyaan maraakiibta ay leeyihiin dawladaha shisheeye, marka maraakiibtaas  loo adeeegsanayo arrimo ganacsi.

2. Qodobka sare ma saamaynayo maraakiibta dawladeed ee aan ahayn ganacsiga ee haysta ogolaansho ruqsad khaas ah.

Qodobka 18aad

Maamulka oo Xabsiga u taxaaba Maraakibta

Haddii ay dhacdo xaalad ay ciqaab ka dhalay ee xad gudub uu geystey markab shisheeye, markaas maamulka Soomaaliya waxa ay xiri karaan markabka ilaa ciqaabtaas la oofiyo ama la helo dammaanad la xiriirta ammaan arrintaas.

Qodobka 19aad

Waa wax aan waxba laga soo qaadayn oo waxba kama jiraan ah qodob kasta oo ka hor imanaya sharcigan iyo waxa ku qoran.

Qodobka 20aad

Marka Sharcigani Dhaqan Galay

Sharcigani waxa uu dhaqan galay soddon maalmood markii ay ka soo wareegtey daabacaadiisii.

Mogadishu, 10 September 1972

***

Waxaa asalkii qoraalka oo English ah faafiyey Website-ka Qarammada Midoobey

Sharci Qaran – Kaydka dukumiintiyada DOALOS/OLA – Qarammada Midoobey

***

Tarjumadii SomaliTalk.com – September 2011
 (Waa 40 sano kabacdi markii uu dhaqan galay xeerka Law No. 37)

***

Isha: UN Website: http://www.un.org/Depts/los/LEGISLATIONANDTREATIES/PDFFILES/SOM_1972_Law.pdf

Isha: FAO Website: http://faolex.fao.org/docs/pdf/som4925.pdf
English Version: http://somalitalk.com/2011/badda/law37.html

FG: 1972 Xilligii sharcigani soo baxay Shillinka Soomaaligu qiime ayuu lahaa, waxana sarrifku ahaa US$1 = 7Sh.So.

Sharciga Kalluumaysiga Soomaaliya Law No. 23 ee soo baxay 30 November 1985
Somali Fishery Law No 23 of 30 November 1985

Maadaama ilaalinta iyo beekhaaminta kalluunku uu muhiimad weyn u lahaa Soomaalida, waxaa dawladdii Soomaaliya soo saartay Xeerka Kalluumaysiga oo lambarkiisu ahaa N° 23 ee soo baxay 30kii November 1985 (kaas oo ka diiwaan Qarammada Midoobey /FAO), xeerkaas oo qeexayay maraakiibta iyo shakhsiyaadka la siiyo shatiga ee ka kalluumaysanaya baadda Soomaaliya in ay dhawraan xeerkaas, islamarkaasna ay soo sheegaan inta ay leegtahay kalluunka ay badda kala soo baxeeen iyo nidaamka ay adeegsadeen. Ciddii xeerkaas ku xadgudubtana ay la kulmayso ganaax adag ama xabsi. Waxaa xeerkaas ku cad in:
Ganaax gaaraya ilaa So.Sh. 10,000 laga qaadayo doonta aan matoorka lahayn ee xeerkaas ku xadgudubta.
Ganaax dhan So.Sh. 15,000 ilaa So.Sh. 4,000,000 laga qaadayo doonyaha uu saaran yahay matoorka baaxadiisu dhaxayso 6 HP (HorsePower) ilaa 101 HP.
Xabsi 3 ilaa 10 sano ah ama ganaax So.Sh. 5,000,000 ilaa So.Sh. 50,000,000, ama in la isugu daro xabsi iyo ganaax, qofkii kalluumaaysiga u adeegsa waxyaabaha qarxa, ama adeegsada aalad mamnuuc ah, ama kalluumaysta xilliga xirmada ee aan la ogolayn in kalluunka la dabto, ama soo jillaabtay kalluun mamnuuc ay tahay in la soo qabto.
(FG: Xilligaas 1985 qiimaha sarrifku wuxuu ahaa US$1 = 36 So.Sh. Sidaas daraadeed 50 million So.Sh waxay u dhigaantey 1.4 million doolar.)
Akhri: Somali Fishery Law N° 23 of 30 November 1985