Uncategorized

Buuga Aasaaska naxwaha af Soomaaliga – MURTIDA HADALKA

Mawaashigu wuxuu kugu gartaa midiyo heestiise, Miyuusigu iyo fooriduna waa sawd macaani lehe, Wax caruurtu madadaalo tara miday taqaanaaye, Miyuul faraha lagu taago oo meel maraa jira e, Maacaantu bahalu wid bey marar ka waabtaane, Intaasba mafhuum weeye iyo maamul goonniyahe, Maqsadse laguma gaadho iyo dantii loo muxtaaj yahaye, Hadalku waa murti iyo faallo iyo wariyo maadeyse, Iyo waxa baryada…

Continue Reading

Uncategorized

Buuga Aasaaska naxwaha af Soomaaliga – Hordhac

Iftin Education waxey halkaan idiinkugu soo gudbin doontaa buugaan Aasaaska naxwaha af-soomaaliga ay dhigeen GUDDIGA AFKA SOOMAALIDA 1971 GII. Af soomaaligu waa af aad iyo aad u ballaadhan oo hodan, erayadiisuna aad bay u taran badan yihiin. Afkeennu wuxuu ka mid yahay afafka kushitiga ah. Ha yeeshee, sida afafka dduunka oo kale, waxaa ku dheehan erayo badan oo af shisheeya…

Continue Reading

Uncategorized

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? Qeybta 28 iyo 29aad.

Suurada 106aad Qureysh:Suuradan waxaa loogu Magac daray Qureysh oo ah Magaca Qabiilka uu ka Dhashay Nabiga Suuban (Scw) Qabiilkaas oo ahaa Qabiilka ugu Caansanaa Jaziirada Carabta.[Image]Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 4 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada At-Tiin ka dib, Musxafkana waxey kaga Beegan tahay Dhamaadka Juzka 30aad.Macnaha Guud ee Suurada Qureysh: Suuradan waxey si gaar ah uga Hadashaa Nicmooyinka…

Continue Reading

Uncategorized

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Qeybta 24,25,26, iyo 27-aad.

Suurada 80aad Cabasa: Suuradan waxaa loogu Magac daray Cabasa, oo ah Kalimada Suurada ku Bilaabato, Suuradan waa Makiyah, Cadadka Aayadaheeduna waa 42 Aayadood, waxa ayna Soo Dagatay Suurada An-Najmi ka dib, Musxafkana waxey kag Beegan tahay Biloowga Juzka 30aad. Macnaha Guud ee Suurada Cabasa: Suuradan waxa ay Dul haan ka Hadashaa, Caqiidada Islaamka iyo Risaalada, aydoo sidoo kalana wax ka…

Continue Reading

Uncategorized

Sideen u fahamnaa Qur’aanka?. Qeybta: 21,23aad.

Suurada 72aad Al-Jinni: Suuradan waxaa loogu Magac daray Al-Jinni Maadaama si aad ah auu uga Sheekeyso Jinniga Makhluuqa la yiraahdo, Jinniga waa Qeyb ka mid ah Uunka Caqliga lagu Beeray, waxaa uuna Mukulaf u yahay Sida Insaanka oo kale waana Xaqiiq jiritaankiisa. Suuradan waa Makiyah, Cadadka Ayadaheeduna waa 28 Aayadood, waxa ayna soo dagatay Suurada Al-Acraaf ka dib, waxa ayna…

Continue Reading

Uncategorized

Sideen u fahamnaa Qur’aanka? Qeybta:13,14,15,16,17,18,19,iyo 20aad

Suurada 37aad As-Saaffaat: Suuradan waxaa loogu Magac daray As-Saaffaat, si Dadka loo xasuusiyo Adoomada Alle Abuurtay ee loo yaqaan Malaaigta iyo Shaqooyinka wanaagsan ee loo Xilsaaray, waxey u tasbiixsadaan rabigood habeen iyo Maalin kamana daalaan. Suurada As-Saaffaat waa makiyah, Aayadaheeduna waa 182 Aayadood, waxeyna soo dagatay Suurada Al-Ancaam ka dib, Musxafka waxa ay kaga Beegan tahay Bartanka Juzka 23aad. Macnaha…

Continue Reading

Uncategorized

Sideen u Fahamnaa Quraanka? Q. 12aad

Suurada 30aad Al-Ruum: Suurada Al-Ruum si ay Xasuus ugu Noqoto Mucjazadii Qur’aanka uu Alle (Cw) ku sheegay oo aheyd Guul Mustaqbalka Dhaw ay gaari Room xili Markaas waqti ka hor lagu jabiyay Dagaal ay la Galeen Boqortooyadii Faaris (Beershiya). Labadan Qolo ee Ruum iyo Faaris waxa ay ahaayeen laba Boqortooyo oo Aduunka Xiligaas ugu Awood Roonaa isla markaana waxaa ka…

Continue Reading

Uncategorized

Sideen u Fahamnaa Qur’aanka? | QEYBTA. 7,8,9,10,11aad.

Qeybtaana waxaan kusoo gudbindoonaa Qeybaha 7,8,9,10 iyo 11aad ee Maqaalkii aan ugu magac darnay Sideen u fahamnaa Qur’aanka?. Suurada 10 aad Yuunus: Suuradan waxaa loo yaqaan Yuunus, taasoo Xasuusin u ah Qisadii Nabi Yuunus, Qiasada Suuradan Sheegtay waa in Qolodii uu Dacwada Gaarsiiyay Nabi Yuunus , markii ay warkiisa diideen Cadaabkiina soo dagtay hadana laga Cafiyay oo Cadaabkii laga Badbaadiyay…

Continue Reading

Uncategorized

Sheeko Jacayl ah Nabar aan Dawoobeyn qeybtii 5aad

Qaybtii 5aad Idman intey goor hore toostay bay is-diyaarin iyo is-qurxin iskula dhaqaaqday. Waa maalintii uu gacaliyaheed Shirwac iman lahaa Gaalkacyo. Kala doorashada dharkii ay xiran lahayd ayaa waqti dheer ku qaadatay, ugu dambeyntiise intey mid uun isaga nasiibsatay bay daaradda guriga usoo baxday. Waxay ahayd goor barqo ah oo ku beegan qiyaastii 9:00 aroornimo. Islamarkiiba, waxaa albaabka kasoo gashay…

Continue Reading

Uncategorized

Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 4aad)

Taladii ayaa noqotay in aan iibiyo hadiyad kadibna aan u hadiyeeyo iyada, hadiyada qofka bini aadamka ah saaxiib ayee kaala dhigtaa marna cuqdada iyo xumaanta way kasaartaa, sidoo kalane Soomaalida ayaa dhahdo af wax lasii xishoo, inkastoo aan heesan dhaqaale sidaa ubuuran, hadane asxaabtayda ayaa isku soo dardaray lacagta aan ku iibinayo faraantiga,  asxaabtayda ayaa lacagta u bixiyay sidaan ku…

Continue Reading