Uncategorized

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ku dhawaqaay in dalka uu galayo xaalad dagaal Baaqna diray (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku dhawaaqay in dalka uu galayo Xaalad dagaal oon caadi aheyn , waxa uuna baaq u diray dhalinyarada Soomaaliyeed.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in loo diyaar garoobayo dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in dagaalkaasi uu yahay mid loogu aargudayo dadkii lagu laayay qaraxii Isgooska Zoobe.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in wali dareemayaan xanuunkii uu reebay musiibadii ka dhacday Isgooska Zoobe, waxa uuna tilmaamay in aan looga hari doonin dagaalka ka dhanka ah kuwii dambigaasi galay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay diyaar garoobaan si ay doorkooda uga qaataan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Weerarkii Zoobe.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu kala hadli doono arrimahaasi dagaalka, islamarkaana uu isga hoggaamin doono,isagoo dhalinyarada ku booriyay in ay muujiyaan wadaniyad iyo difaaca dalka iyo dadkooda.

 

Qaraxii dadka badan lagu laayay ee 14-kii bishan ka dhacay Isgooska Zoobe ayaa midiiyay quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana dhalinyarada Soomaaliyeed sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay dagaal la galaan kuwii ka dambeeyay qaraxii Zoobe ee lagu dilay in ka badan 300-qof.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *