Layaab

Dhaxal Sugaha Boqortooyadda Sacuudiga Oo booqasho Qarsoodi ah ku tagay Isra’il.

Mas’uul ka tirsan xukuumadda Israa’iil oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa wakaaladda wararka Faransiiska u sheegay mas’uul ka tirsan Sacuudiga uu booqasho sir ah ku yimid Israa’iil bishii Septemper ee ina dhaaftay, wuxuuna mas’uulka wakaaladda wararka u sheegay in mas’uulkaasi uu ahaa dhaxal sugaha dalkaasi Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Sida ay baahisay Idaacadda Israa’iil ee afka Carabiga ku hadasha ayaa xaqiijisay in bishii september booqasho si sir ah kusoo gaaray amiir katirsan dalkaasi Sacuudiga, mas’uulkaasi oo wadahadalo la yeeshay madaxda ugu saraysa dalkaasi Israa’iil, iyaga oo kawada hadlay nabadgalyadda gobbalka.

Wasiirka isgaarsiinta Israa’iil Ayuub Kara, kana mid ah xisbigga Likud ayaa wakaaladda wararka faransiiska u sheegay in ay jiraan dalal baddan oo carbeed oo aad u daneenaya in ay xiriir dhanka siyaasadda ah la sameeyaan Israa’iil, wuxuuna carabka ku dhuftay masar,Urdun, sidaasi oo kale wuxuu soo hadal qaaday Sacuudiga iyo dowladdo kale oo Khaliijka kamid ah, walibana wuxuu wasiir Kara sii raaciyay in dalalka dhaca Waqooyiga qaaradda Afrika iyagana xiriirka Israa’iil aad u daneenayaan.

 

Ayuub Kara ayaa intaa kudaray in Israa’iil iyo dowladaha uu carabka ku dhuftay ay kawada hadleen cabsida laga qabo Iiraan, walibana wuxuu intaa sii raaciyay in dowladaha Khaliijka baddankood ay aad u daneenayaan calaaqaad diblomaasi ah in ay la samaystaan Israa’iil, iyaga oo iska kaashanaya ka hortaga qorshaha Iiraan ee hubka Nugliyeerka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *