alshabaab

(Daawo Sawirro) Itoobiya oo dayuurado sida gargaar Caafimaad ka soo dejisay garoonka Aadan Cadde

Dayuurad Militari oo ay leedahay dowladda Ethiopia ayaa maanta gargaar caafimaad ka soo dejisay Garoonka dayuuradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shixnadan caafimaad ee ka timid xukuumadda Adis-ababa ayaa loogu talo galay caawinta dhibanayaasha Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kaga guddoontay deeqdan Safiirka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs. Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Dowladda Ethiopia kaga mahad celisay gargaarka caafimaad ee maanta soo gaaray, waxayna sheegtay iney ku soo beegantay xilli baahi weyn loo qabay.

 

Sidoo kale, waxaa jirta diyaarad kale oo laga leeyahay Ethiopia oo sida gargaar caafimaad oo gaareysa 4-tan oo galabta soo wajahan magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *