fanaaniinta

Kareena Kapoor Muuqaal Marti Ah Maku Yeelan Doontaa Golmaal Again?

Kareena Kapoor Muuqaal Marti Ah Maku Yeelan Doontaa Golmaal Again?

 

Kareena Kapoor Khan waa atirisho caan ku ah sameynta taxanaha Golmaal ayadoo horey kaga soo muuqatay labo ka mid ah sedexda qeybood ee filimkaan laga sameeyay.

Laakiin nasiib daro Bebo qaybta 4-aad Golmaal Again door dhameestiran kuma lahaan doonto madaama shaqada filimkaan kusoo aaday xili ay dhashay Taimur Ali Khan waxaana lagu badalay Parineeti Chopra.

Dhawaan la isla dhex maraayay in Kareena Kapoor muuqaal marti ah Golmaal Again ku yeelan doonto balse Director Rohit Shetty ayaa sheekadan wax kama jiraan ku tilmaamay.

Rohit wuxuu yiri “Maya Kareena muuqaal marti ah kuma lahan filimkeyga, hadii aan kusoo daraayo door dhameestiran ayaan siin lahaa”

Filimka Golmaal Again waxaa la daawan doonaa feestada Diwali oo ku beegan 19 October waana filim Ajay Devgn iyo kooxdiisa lagu rajo weyn yahay inay guul lixaad leh gaari karaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *