galmada

talo soo jeedinta kahortaga furiinka

Talada Koowaad: Dhallintu intaysan is guursan kahor, waa inay ka fekeraan oo fahmaan marxaladan nololeed. Waa inay u diyaar garoobaan maskax, maalliyad, garasho, feker, dhaqaalle iyo jidh ahaanba. Waa inay bartaan oo koorsooyin ka hadlaya maamulka qoyska, xalinta khilaafaadka, waddooyinka nolosha, tarbiyada carruurta iyo beerista kalsoonida qaataan.
Talada Labaad: Waxaan qabaa in shukaansiga la islaamiyo; waxaad arkaysaa inbadan oo dhallinta in shukaansiga laga dhigay jaantaa rogan, aragtidan hadda aan rumaysnahay ayaa ah, “Inaan wakhti laga lumin qof aadan mustaqbal ka rabin; laakiinse, kolkaad u diyaar garowdo inaad guursato inaad shabaagtaada si xirfadaysan u daadsato; adigoo diiradda saaraya guur een xisaabo kale ujeedin”.
Talada Saddexaad: Marxaladda shukaansiga, saddex waxyaalood diirrada hala saaro: (A) Inaad qofka sifaatkiisa iyo sooyaalkiisa ogaato (B) Inaad shaqsiyadiisa iyo shaqadiisa ogaato (C) Iyo inaad maankiisa iyo macrifadiisa ogaato. Kolkaas ka dambow, aqoon buuxda ayaad qofkaas ka haysataa, wixii kale waa wixii aad ka maqasho qofkaas asxaabtiisa, ehelkiisa ama macallimiintiisa iyo kolka aad aqal wada dhigataan waxaad ka barato.
Talada Afraad: Jacaylku waa mashiinka ka shaqaysiiya nolosha ee soo saara mac-macaanka iyo murtida nolosha. Waxaan ku talinayaa intaan lays guursan in labada ruux la siiyo wakhti ay jacayl isku abuuraan; waa inaan loo kala adeegin oo lasiiyaa madaxbannaani dhammaystiran. Waxaan ku celcelinayaa oo markale aan ku celcelinayaa, waalidku waa inay fahmaan cidda is guursanaysa inaysan ahayn ayagu ee labadan ruux ay yihiin, kolkaa waa in la ixtiraamaa caqliyadda.
Talada Shanaad: Eegga laysku afgarto in lays calfado waa in labada ruux ay fahamsan yihiin ujeeddada iyo falsafadda ka dambaysa guurkooda. Sidoo kale waa inay aqoon iyo xirfad u yeelan karaan la dhaqanka bulshada deegaanka, afkaaraha, wacyiga iyo wadciga iyo qaybaha kala gedisan ee nolosha. Si weynna waa inay u yaqaaniin hannaanka iyo habka loo maro samaynta guur ku qotoma shareecada Islaamka. Dhallinyartu waa inay akhrisataa buugaagta qoyska aadka uga hadasha, sida: jacaylka, guurka, galmada iyo barbaarinta dhallaanka.

 


Talada Lixaad: Waxaan aad iyo aad iyo aad uga soo horjeedaa falsafadda aan ku tilmaami falsafad waalan, taasoo ah “U guurso inaad aabbe/hooyo noqoto, in aad wax dhasho, in lagu yidhaaho hebel waa guursadey iyo Allaah SWT baa isiin doona irsaaqad haddaan yartan kala tuuro”. Haa, guurku wuxuu kamid yahay oo diintu noo sheegtay ilooyinka Rabbi SWT irzaaqada ku waasiciyo, laakiin, la imow qorshe iyo xeelad. “Muhiimaddu waa astaanta iyo ficilka, maahan odhaahda iyo araarta”.
Talada Toddobaad: Waxaan ku talinayaa haddii lammaanayaashu ay nolosha isku fahmi waayaan oo ay kala tirsadaan dulmi, howl-gab, caddaalad-darro iyo mas’uuliyad xumo, inay iyagu u dhabar adaygaan oo ay iska ilaaliyaan cid kale oo qalaad, waalidkaba ha noqotee; haddii xal waafiya la heli waayo labo qofood oo labada reerood ah talada haloo dhiibto, haday waxba keeni waayaan cid kale haloo dhiibto, haddii howshu soo istaagtana halays furo iyadoo lays jecelyahay oo wanaag iyo raali laysku muujinayo. Waan ka digayaa furriinka degdega
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qoodha aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qudhmuun qaadow adigaa leh
……….. Abwaan Abshir Bacadle AUN …………