caafimaad

Waxtarka Babaayga iyo Faaidooyinkiisa

faaidooyinka Caafimaadka u leeyahay Babaayga waxaa ka mid ah,

Hadaa rabtid in aad Qurxiso Jirkaaga aaad ayuu ugu fiicanyahay Jirka wuu qurxiyaa, Dhibaatooyinka ku dhaca dheefshiidka ayuu aad ugu fiicanyahay, ka hortaga Cudurada ku dhaca Indha iyo Wadnaha ayuu aad ugu ficanyaha sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa Cuduro farabadan oo ku soo wajilahaa sida Kansarka waxaa kaloo lagu Tiriyaa Babaayga in uu Faaido Badan u leeyahay Caafimaadka.

Qiimaha iyo Nafaqada  ee Babaayg halkii Babaay waa 100 grams

Babaayga wuxu leeyahay Nafaqooyin fara badan Qeyb waliboo kamid ah Geedka Babaayga , Kasoo bilaaw Mirihiisa ilaa Caleentiisa Faaidooyin farabadan ayaa ku jira oo  leesku daweeyo Dawo ahaan ayaa loo isticmaalaa

 

Fitamiinada aad ka heleysid waxaa ka mid ah

Energy- 163 kJ

Calories- 39 kcal

Sugars- 5.90 gram

Carbohydrates- 9.81 gram

Dietary fiber- 1.8 gram

Fat- 0.14 gram

Protein- 0.61 gram

Fitamin A- 328 micrograms (41%)

Fitamin B1- 0.04 milligram (3%)

Fitamin B2- 0.05 milligram (4%)

Fitamin B3- 0.338 milligram (2%)

Fitamin B6- 0.1 milligram (8%)

Fitamin B9- 38 milligram (10%)

Fitamin C- 61.8 milligram (74%)

Calcium- 24 milligram (2%)

Iron- 0.10 milligram (1%)

Magnesium- 10 milligram (3%)

Phosphorus- 5 milligram (1%)

Potassium- 257 milligram (5%)

Sodium- 3 milligram (0%)

Faaidooyinka Caafimaad ee Babaayg waxaa kaloo ka mid ah

Cudurka Neefta ayuu ka hortagaa Babaayga (Asthma)

Halista in uu saaido ayuu hoos u dhigaayo Dadka Maalin waliba Isticmaala Qudaarta looyaqaano Qudaar Jaalada, sida Babaayga,Karootada, Bocor jeelo, ama Bocor hindi, barokooli, apricots,labada u dambeeyso wadankeena lagama helo,

Kalestoroolka ayuu hoos u dhidgaa

Babaayga waxaa ka buuxa Fiber waa calool jilciye, Fitamin C iyo antioxidants kasoo ka hortagaayo in kalistaroolka uu xiro Murqaha Wadnaha, kalastarolka Tirada Badan wuxuu Gabi ahaanba xiraa Muqaha Wadnaha, wuxuna sababaa Wadna xanuun. Sidoo kale wuxu jirka ka saaraa Baruurta iyo subaga sababi kara Sokorta ama Kaadi maanka

Difaaca Maqaarka 

Maqaar ayuu aad ugu ficanyahay sidoo kale waxaa loo istcmaali karaa wajiga wuuna u fiicanyahay.wuxu kaa caawinaa Finaan wajiga iyo infakashanka Maqaarka sidoo kale wuxuu u fiicanyahay Boq boqa wejiga ama dul duleelka wejiga Babaayga waxaa lugu daweeyaa Unugyada dhintay kuwaaso dib u cusbooneysiiya  muqaarkana ifiya  sidoo kale waxa uu daweyaa infakshanad iyo dhaawacada si dhaqsi ah ayuu u

 

Gabowga/Duqnimada ayuu lid kuyahay am aka hortagaa

Maadadaan la yiraahdo (antioxidants) oo ku jirta Babaayga waxay kaa Celineysaa Gabowga Deg dega ah

Babaayga wuxuu kaa dhigayaa qof yar (dhalinyaro)

WUXUU KA CAAWINAYAA IN AAD KU CAATOWDID

Hal xabo Babaay Yar waxaa ku jirta 120 calories . marka Haduu Qorshaaga ahaa in aad is Caateyso,haka ilaawin Cuntaada in aad ku dartid. Marka intaas laga soot ago waxa kaloo ka buuxa( fiber) waa calool jilciye kaasoo Qeyb ween ka qaadanaaya in aad caatowdid

Wuxuu u fiicanyahay Cudurka Sokorta/macaanka

 In kastoo uu  Macaanyahay Babaayga  hadana Sokorta Babaayga aad ayay u hooseysaa waxaana ku jirta,(8.3gm halkii koob oo Babaay jar jaran  sidoo kale waxa ku jira (glycemic  Qeybtaan waxay babaayga ka dhigeysaa in u yahay Furuutka ugu fiican ee Cudurka Sokorta, Fitaminada iyo (phytonutrients) ku jira waxay  ka hortagayaan in uu ku saaido Cudurada Wadna xanuuka Dadka qaba Sokorta. Sidoo kale Dad aan Qabin Sokorta way Cuni karaa Babaayga Siduu ugu Hortago waxyaalahaas aan Soo sheegnay.

Hurka/Xanuun Bararka

Choline  aad ayay muhiim u tahay waxaana laga helaa Babaayga  shaqooyin badan ayay qabataa  waxay u sahasha Hurdad Jirka,wuxuu u fiicanyahay Dhaqaaqa Murqaha, waxbarashada iyo Xasuusta ayuu aad ugu fiicanyahay, waxu kaloo u fiicanyahay Dhaq dhaqa Dareemiyaasha Gudbinta Taabshada

Kansarka

Cunista maadooyinka Xooga badan oo loo yaqaano (antioxidant beta-carotene) lagana Helo Babaayga iyo Karootada,Bocor Jaalaha iwm. Ayaa lagu daweeyaa  Cudurka Kansarka Mindhicirka  sida uu sheegay Ururka Horamarinta Dadweynaha Jabaan Ee Kansark

Caafimaadka Lafaha

Qaadashada Fitamin K haduu jirkaaga ku yaraado waxaa halis ugu jirtaa in Lafahaaga ay Burburaan Isticmaalk aVitamin K wuxu muhiim u yahay  Caafimaad qabka lafahaada, Fitamin K wuxu isku dheeli tiraa protinyada lafaha, wuxu kor u qaadaa Kalshiyamka wuxuna hoos u dhigayaa Kaadida saaidka ah.

Caado wareerka

Babaayga wuxuu ka caawinayaa Dumarka Xakameenta  Caadi wareerka. Babaayga wuxu fududeeynayaa Xanuunka Caadada sidoo kale wuxu ka cawinayaa in Caadada toos u imaadi

Kilida aan shaqeyneynin

Jirda in kilida ay shaqeyn wayda waxaa la ogaaday   Miraha aan bislaan ee Babaayga  ay  Caawinayaan in Kilida dib u Caafimaado.