caafimaad

Cagaarshowga caanaha naaska

Cagaarshow, ama maqaarka iyo indhaha oo huruud u ekaada, waa xaalad ku badan ilmaha yar yar ee dhashay ee naaska nuugaya. Dhab ahaantii, ilaa 60% oo dhalaan yar yar ah ayuu ku dhacaa cagaarshowgu dhalashadooda maalmo yar kadib. Xaaladan waxay dhici kartaa marka ilmaha dhiigooda uu ku jiro xaddi ama tiro badan oo ah dheecaanka loo yaqaan Bilirubin. Dheecaanka Bilirubin waa shay midabkiisu huruudi ama jaale yahay kaasoo la soo saaro marka la bur burinayo dhiiga cas si loogu badalo unugyo cusub oo ah dhiiga cas.

Caadi ahaan, dheecaanka Bilirubin wuxuu soo dhex maraa beerka, kadibna beerku wuxuu kusii shubaa xiidmaha si uu uga qayb qaato dheef shiidka cuntada. Balse, Ilmaha yar yar ee dhawaan dhaladka ah beerkoodu badanaa maahan mid samayskiisu dhamaystiran yahay waxaana dhici karta inuusan awood u yeelan beerku inuu dheecaanka Bilirubin ka saaro dhiiga. Hadaba hadii dheecaanka Bilirubin uu ku bato dhiiga, wuxuu fariisan karaa maqaarka. Taas ayaana sababaysa in maqaarka iyo indhaha qofka qaba cagaarshowgu ay ugu ekaadaan huruud ama jaale.

Cagaarshowga naas nuuga ama jooniska ilmaha dhashay ku dhacaa waa nooc cagaarshowga kamid ah oo la xiriira naas nuujinta. Wuxuu badanaa dhacaa hal isbuuc kadib dhalashada ilmaha. Xaaladan waxay badanaa ilmaha sii hayn kartaa ilaa iyo 12 isbuuc, balse nasiib wanaag malahan dhibaatooyin danbe oo caafimaad, mar hadii ilmuhu ka buskoodana khatar kale oo caafimaad malahan.

Maxaa sababa cagaarshoowga caanaha naaska?

Dhakhaatiirtu ma garan wali waxa sababa cagaarshowga caanaha naaska. Balse, waxaa lala xidhiidhin karaa in uu jiro shay kujira caanaha naaska kaas oo diidaya in borotiinada qaarkood ee kujira beerka dhalaanku ay bur buriyaan dheecaanka Bilirubin. Waxaa kaloo lala xidhiidhin karaa xaaladan arimaha qoyska oo ay macquul noqon karto in ay dhaxal tahay.

Saan horay ugu soo sheegnayba cagaarshowga caanaha naasku waa xaalad dhif ah in ay dhacdo, xataa hadii ay dhacdo maahan khatar caafimaad waana wax badanaa iskood iskaga taga. Waa caadi in hooyadu ay naaska sii nuujiso ilmaheeda xataa hadii ay ku aragtay cagaarshow.

Waa maxay astaamaha lagu garto?

Calaamadaha lagu garto cagaarshowga caanaha naasku waxay badanaa ilmaha kasoo muuqdaan markay isbuuc dhalan yihiin. Kuwaan ayaana kamid ah calaamadaha;

Maqaarka iyo indhaha intooda cad oo huruud ama jaale u ekaada
Daal
Miisaan yari
Oohin aad u qaylo dheer
Sidee loo daweyn karaa?

Wax halis ah kuma jirto in ilmaha la siiyo naaska haduu xataa qabo cagaarshow. Cagaarshowgu waa xaalad kumeel gaar ah taasoo aan saamayn ku lahayn naas nuujinta. Cagaarshowga dhex dhexaadka ah ama kan khafiifka ah waxaa lagula tacaali karaa guriga. Dhakhtarkaagu wuxuu kuu sheegi karaa inaad ilmaha nuujisid waqti kabadan intii hore. Taasoo ilmahaaga ka caawin karta in jirkiisu iska saaro dheecaanka Bilirubin kuna daraan saxarada ama kaadida.

Hadii nooca cagaarshowga haleelay ilmahaaga uu yahay mid khatar ah waxaa badanaa lagu daweeyaa wax loo yaqaan “Phototherapy”, ilmaha waxaa lagu shidayaa layr khaas ah oo ka duwan kuwa caadiyan aan guryaha u isticmaalno ugu yaraan 2 bari. Layrkaas wuxuu badalayaa qaabka uu u samaysan yahay dheecaanka Bilirubin taasoo u ogolaanaysa jirka ilmuhu inuu iska saaro dheecaankaas.ilmaha waa in loo xidhaa muraayado ama ookiyaale ka difaaca layrka badan ee indhaha kaga dhacaya si looga hortago dhaawac indhaha kasoo gaara dhalaanka.