Uncategorized

Caddow Masii Ahaan Doonaan Deepika Iyo Katrina Kadib Hadalkii Deepika Kasoo Yeeray

iftineducation.com – Deepika Padukone iyo Katrina Kaif waa labo atirisho oo Bollywood-ka awood balaaran ku leh balse xifaaltan qaab daran ka dhaxeeyo waxaana labadaan gabdhood noloshoosa isa hor keenay Ranbir Kapoor oo ay xiriir jaceyl lasoo wadaageen.


Haatan dagaalkii ka dhaxeeyay waxaa soo idleesay atirishada Deepika oo si lama filaan ah hadal qaboow oo dhanka Katrina ku aadan kasoo yeeray.


Hadaba Deepika oo ka qayb galeyso maanta bandhiga Fashion-ka L’Oreal Paris ee xaflada Cannes ka dhacaayo ayaa wax laga weydiiyay sida uu haatan xiriir kala dhaxeeyo Katrina madaama la sheegay muuqaalka ay Deepika ku mataleyso heeska filimka Raabta ku jirto ka talo bixisay Katrina.


Deepika waxay tiri “Marwalbo wey wanaagsan tahay in la is caawiyo gaar ahaan qof loolan kaala dhaxeeyo ama isku jiil tihiin ku caawiyo anigana waan soo dhaweynaa waana ku tixgalinaa Katrina sida ay ii caawisay”


“Sidoo kalena Katrina waan ku tixgalinaa sida ay u hormarisay waayaheeda fanka iyo nolosheeda gaarka ah”





Dabcan Deepika waxaa kasoo yeeray hadal sababi karo inay Katrina isku soo dhawaadaan sidoo kalena ay meesha ka baxdo xurgufta in mudo ah labadaan atirisho dhex tiilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *