Uncategorized

Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin oo lagu aasay Muqdisho

iftineducation.com – Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin Xasan oo ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu aasay  qabuuraha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay aaskiisa Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare ee dowladda, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,  saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.


Senator Cabdikaafi Macalin Xasan oo la dhashay Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin ayaa si kooban uga sheekeeyay taariikhda Ugaaska, waxaana uu Eebbe ugu baryay inuu ka waraabiyo naxariista Janno.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najaaxi iyo qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka Soomaaliyeed ayaa ehelada iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxaa ay uga tacsiyadeeyeen geerida Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin Xasan.





Ugaas Maxamed Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa dhaqanka sida weyn Gobollada Koofureed ee Dalka looga yaqiinay, waxaana uu u geeriyooday xanuun in mudda ah hayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *