Uncategorized

Xaaska madaxweynaha Siiriya oo dhalashada Ingiriiska lagala noqday

iftineducation.com – Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay dhalashadii dalka Ingiriiska kala laabteen xaaska Madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al Asad oo lagu magacaabo Asma Fawaz Al Akhras.


Marwada koowaad ee dalka Siiriya ayaa sidoo kale horay looga mamnuucay inay u safarto guud ahaan dalalka Yurub, iyadoo mamnuucidaasina loo cuskaday falalka xadgudubka ah ee lagu eedeeyay odaygeeda.Asma Fawaz Al Akhras iyo Madaxweyne Bashar Al Asad ayaa is guursaday sanadkii 2000-kii , waxeeyna u dhashay 3 caruur ah, lamaanahan ayaa la sheegay in uu ka dhaxeeyo xariir aad u qoto dheer.





Xaaska Madaxweyne Bashaar Al Asad oo dhalashada dalka Ingiriiska heesatay waxaa lagu soo eedeeyay inay si bareer ah ula safatay Madaxweyne Bashar Al Asad oo tacadiyo dagaal ka sameeyay gudaha dalka Syria .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *