Uncategorized

WARBIXIN CULUS: MD Farmaajo oo amray in safaaradaha ay ka baxaan garoonka diyaaradaha Muqdisho

iftineducation.com – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa dooneysa in xarumaha aan munaasabka aheyn laga raro safaaradaha iyadoo madaxweyne Farmaajo uu arintaas ka shaqeynayo.


Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu fariimo wargalin ah u diray dhammaan Safiirada caalamka ee ka howlgala gudaha Garoonka Aadan Cadde.


Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu Safiiradaasi ku dhex shaqeeya Gudaha Garoonka ku amray inay ka guuraan gudaha Garoonka isla markaana degaan dhulalka ay horay u lahaayen.


Amarka ayaa la sheegay inuu ku socday dhammaan Safiirada waxaana la sheegayaa in loo qabtay muddo kooban oo ay kusoo degayaan gudaha magaalada, iyadoo Garoonka loo madaxbaneynaayo howlaha dowlada.


Xogta ayaa intaa kusii dareysa in Ciidamada degan gudaha Garoonka loogu baaqay inay Saldhigyo ka dhigtaan daafaha magaalada Muqdisho.


Qorshaha Madaxweynaha ayaa daba socda qorsho dhawaan uu Ra’isul wasaaraha dalka ku mamnuucay dhismaha ka dhex socda Garoonka Aadan Cadde oo u badnaa kuwa ay dhisanayeen Safaarado dhowr ah



Si kastaba, Lama oga sida uu ku dhaqan gali doono qorshahaasi waxaase loo badinayaa in dhinacyada uu amarkaasi ku socdo aysan fulin doonin waaba haddii uu amarka rumoobo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *