Uncategorized

War Deg Deg Ah: Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

iftineducation.com – Waxaa goordhaw qarax xoogan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho uu ka dhacay meel ku dhaw xarunta Degmada Hodan ee gobolka Banaadir, qaraxa kadib ayaana la maqlay rasaas kooban oon la ogeyn cida rideysa.


Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in uu ahaa Miino dhulka dhinaceeda lagu aasay, waxaana lala eegtay gaari uu leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacabao Xildhibaan Maxamuud Abuukaate , lamana oga in Xildhibaanka gaariga saarnaa iyo in kale.


Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu haleelay gaari uu leeyahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamo katirsan dowlada oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.





Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *