Uncategorized

Quruxley Tamannaah Bhatia Oo Filimkeeda Xiga Ku Matali Doonto Qof Aan Waxba Maqlin Sidoo Kalena Hadli Karin

iftineducation.com –  Quruxleyda Koonfur Hindiya iyo Bollywood-ka ka dhaxeyso Tamannaah Bhatia ayaa door cusub tijaabin doonto filimkeeda xiga waxayna ku matali doontaa dhagool isku darsaday maqal la’aan iyo hadal la’aan.


Tamannaah Bhatia waxay isku diyaarineysaa soo bandhiga filimkeeda weyn Baahubali 2 oo la daawan doono 28-ka bishan April wixii markaas ka dambeeyo ayay mashruucaan diirada saari doontaa.


Filimkaan doorka dhibka badan Tamannaah ku matali doonto waxaa soo saare ka ah ruug cadaa Vashu Bhagnani waana filim Hindi ah sidoo kalena Prabhudeva ayaa door wacan ku leh.





Tamannaah Bhatia filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Tutak Tutak Tutiya oo ay sanadkii hore la sameesay Prabhudeva iyo Sonu Sood waxayna ku heshay amaan lixaad leh doorkeedii ay labada waji ku matashay.










Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *