Uncategorized

Marwadii Koowaad Ee Ruushka Ee Ay Kala Tageen Madaxweyne Putin Oo Guursatay Nin Ay Da’ Ahaan Ka Weyn Tahay 21 Sanadood

iftineducation.com – Warbaahinta wadanka Ruushka ayaa qaadaa dhigaysa warbixin xiiso badan oo laga diyaariyey nolosha Marwadii hore ee Madaxweynaha Wadanka Ruushka Vladimir Putin oo lagu magacaabo Lyudmila Putina Taasi oo ay 2013-kii kala tageen Madaxweyne Putin dhawaanna ku guulaystay in ay hesho nin ay guursato oo la sheegay in ay da’ ahaan kor uga weyn tahay in ka badan 20 sanadood. Qisada guurka Marwadii hore ee Madaxweyanaha Ruushka ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo dunida kadib markii ay dhawaan shaacisay in ay nolol cusub gali doonto oo ay heshay nin da’ ahaan hoos uga yar 21 sanadood mar ay hadal farriin u muuqda saxaafadda u marisay Madaxweyne Putin. Sida uu ku warramayo wargeyska caanka ah ee Sobesednik oo ka mid ah wargeysyada sida weyn u faalleeya nolosha dadka caanka ah ee dalkaasi Ruushka ayaa waxa uu baahiyey toddobaadkan warbixin uu ka diyaariyey Lyudmila Putinaoo ahayd xaaskii hore ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin taasi oo Khamiistii toddobaadkii hore baahisay qoraal ay ku shaacisay in ay iska badashay magaceedii hore ee ahaa Lyudmila Putina oo ay isu bixisay Lyudmila Ocheretnaya oo ah magaca ay isku lammaanaysay oo ah magaca maal-qabeen da’yar oo u dhashay Ruushka da’diisuna tahay 37-jir kaasi oo ah ninkii ay bilihii ugu dambeeyey isku cindanaayeen haweenaydan carmasha ahayd ee ay hore u kala tageen Putin. Wargeyska ayaa sheegay in maxkamad dalkaasi ku taallaa aqalka Kirimiliinka ka soo codsatay in ay ka soo hadlaan faylka rasmiga ah ee haweenaydan iyo halka uu ku dambeeyey guurkeedii iyada iyo Putin balse wax jawaab ah Aqalka Kirimiliinku kaba bixin arrinka haweenaydan. Dabayaaqadii 2013 ayay ahayd markii ay Putin iyo Haweenaydani iclaamiyeen in ay kala tageen kadib muddo 30 sanadood ah oo ay soo wada noolaayeen. Waxaanay warbaahinta Ruushku Madaxweyne Putin ku xantaan in uu xidhiidh la leeyahay haweenayda ciyaartoyga ha ee dalka Ruushka caanka ka ah ee Alena Cabeva oo da’deedu tahay 32-jir. Lyudmila ayaa wakhtigan da’deedu tahay 58-jir. 


Haweenaydan ayaa bisha dambe aqal-galkeedu ka dhacayaa Moscow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *