Uncategorized

Labo Gabdhood Oo Daris Ahaa Mudo 8-Sano Oo Ugu Dambeyntii Ogaadeen Inay Walaalo Yihiin!!!

iftineducation.com –  Sheekadan waa mid hadal heyn xoogan baraha bulshada ka abuurtay markii daaha laga qaaday labo gabdhood oo daris ahaa mudo 8-sano kadib ay ogaadeen inay walaalo yihiin.


Labadaan gabdhood ee markii hore aqoonta isku laheyn waxay ku nool yihiin Indiana ee dalka Mareekanka waxayna deegaan ahaan isku jiraan 1.5 km masaafo ahaan.


Nia Hayes oo 35-jir ah mudo dheer ayay ogeed aabaheeda geeriyooday Lonnie inuu ifka kaga tagay gabbar la dhalatay balse waligeed ma aysan arkin macluumaadna kama heynin.






Waxaa la sheegay Nia Hayes saaxiibkeed Dave Barkes oo ay College isla soo dhigteen sabab u ahaa inay hesho walaasheed Lana Hayes oo 42-jir ah.


Dave Barkes ayaa Nia Hayes kusoo xariiriyay Lana Hayes wuxuuna u sheegay inay aad isugu eg yihiin asigoo dhanka baraha bulshada labadaan gabdhood isku baray.





Markii ay sheekeesteen sidoo kalena sawir is dhaafsadeen waxay ogaadeen in hal aabo ka dhaxeeyo kaasi oo geeriyooday xili hore.


Laakiin waxaa la yaab noqotay in Lana Hayes iyo Nia Hayes ay mudo 8-sano ah ku noolaayeen hal deegaan sidoo kalena masaafo ahaan labadooda guri isku jirto hal kiilmo mitir iyo bar oo kaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *