Uncategorized

Goobtii Lagu Halaagay Qoomkii Nabi Luud Oo Kumannaan Sano Kadib Imika La Helay, Taariikhda Ku Duuggan Iyo Dalkay Ku Taallo!!

iftineducation.com – Deegaankii ama tuulooyinkii ay deganaan jireen Qoomkii Nabiyullaahi Luud (CS) loo soo diray ee caasiyey kadibna Ilaahay SWT ciqaabka culus ku soo dejiyey ayaa raadadkoodii taariikheed iyo halkii ay ku yeelleen markii ugu horraysay si rasmi ah loo helay. Raadadka ka hadhay Magaalooyinkaasi isku dhadhawaa oo lagu kala magacaabo Saduum iyo Camuura ayaa waxa markii ugu horraysay ku guulaystay in ay soo faqaan dhammaana raadadkeedii helay khubaro ku takahsustay baadhitaanada raadadka hore ee taariikheed oo u dhalatay wadanka Maraykanka kuwaasi oo arrinkan baadhitaan culus ku waday muddo dhawr iyo labaatan sanadood ah waxaanay aakhirkii ku guulaysteen in ay goob ku taalla Koonfurta dalka Urdun ka helaan magaaladaasi oo ah halkii Ilaahay SWT ku halaagay ee ay ku noolaan jireen Qoomkii Nabi Luud CS loo soo diray ee qisadooda qur’aanka Kariimka ahi innooga warramay, waana isla goobtii ay ku noolaan jireen oo ay taariikhdeedu u noqonayso intii u dhaxaysay 1540 Illaa 3500 Dhalashadii Nabi Ciise ka hor CS.
Sida uu ku soo warramayo Telefishanka dalka Urdun oo arrinkan layaabka leh baahiyey, waxa ay natiijada baadhitaankani xaqiijisay ama ay rumaysay sidii marka horeba taariikhda rasmiga ah loogu hayay oo ah in deegaamada Saduum iyo Camuura ahaayeen magaalooyinkii ugu waaweynee ee ay deganaayeen Qoomkii Nabiyullaahi Luud (CS) ee markii ay Alle SWT caasiyeen ee xumaanta la yimaaddeen lagu ciqaabay dabka samada lagaga soo daadiyey, dhulkana lala gooyay. Deegaanka Saduum oo ah tuuladii ugu weynayd ee ay daganaayeen Qawmu Luud waxa ay ku taallaa Bariga wadanka Urdun ama Jordan waana magaalada lagu sheegay dhamaan kutubta taariikhda ee laga qoray qisada qoomamkii hore ee loo soo diray ambiyada sida Qawmkan Nabi Luud waxaana caddeeyey labada kitaab ee caanka ah ee kala ah “Al-Cahdul Jadiid” iyo “Safaru-takwiin” sidoo kale waxa taariikhda deegaamadaasi lagu halaagay Qoomkii Nabi Luud si weyn uga hadlay Kitaabka Tawraad oo deegaamadaasi ku sheegay in ay ahaan jireen dhul aad u cagaaran oo ay ka baxaan beero bustaano ah lehna biyo macaan.
Dr. Steven Colins oo ah madaxa kooxdan khubarada ah ee baadhitaanka ku waday tuulooyinkii ay deganaan jireen reer Nabiyullaahi Luud oo ka tirsan Jaamacadda New Mexico waxa uu sheegay in ay ahaayeen magaalooyin casri ah oo leh guryo aad u qurux badan. Isaga oo arrinkaasi faahfaahinaya waxa uu yidhi: “Masuuliyaddan kooxdan baadhitaanka wadday waxaan qaaday oo aan shaqaynayay tan iyo sannadkii 2005. Waxa aanu helnay sidii aanu baadhitaanka ugu wadnay magaalooyin dhan oo ay ka muuqdaan raadadkii guryaha ay deganaan jireen. Waxa ay ahaayeen dad dhaadheer oo dhisan jiray guryo dhererkoodu dhan yahay illaa 10-mitir. Gidaarada guryahaasi waa kuwan aad arkaysaan oo waxa ay ka samaysnaayeen dhagaxaan iyo laban (Bulukeeti) aad loo habeeyey oo adag. Waxa tuulada Saduum ku wareegsan dayr dhererkiisu dhan yahay 5.2 Mitir, guryuhu waxa ay ahaayeen kuwu isku dhejisan oo xidhiidhsan lehna waddooyin luuqyo ah”.

Sida qur’aankeenu inoo sheegay reer Qawmu Luud waxa Ilaahay ciqaab adag ku soo dejiyey markii ay Alle SWT Caasiyeen ee ay xumaan la yimaadeen nabigoodii Luudna diideen in ay raacaan. Waana qoomkii lagu ibtileeyey doonista ragga halkii ay haweenka uga tagi lahaayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *