Uncategorized

Dhalinyarada tahriibka waxaa ku kalifa qurba joogta

iftineducation.com – Wiilka iyo gabadha Soomaaliyeed ee miciin biday in ay Tahriibaan waxaa jira sababo dhawr ah oo ku kalifay aana jeclahay haddii Eebe qadaro in aan berrito in aan idiin soo gudbiyo, balse imminka aan idin la wadaago ku lug lahaanshaha qurba-joogta Soomaaliyeed ku leeyihiin, waxaana ka mid ah iyagoon ka run sheegin shaqooyinka ay qabtaan ayna ka mid yihiin:
B- Hilible ( oo ah shaqo laga faano marka dalka la joogo)
T- Nadiifiye ( oo ah iyana shaqo aan dadka qaar ku dhiirran balse Yurube iyo Mareekankaba loo badan yahay qabashadeeda)
X- Ka shaqaynta Foorno-rooti ( oo iyaduna ah mid dhib badan loona badan yahay)
Kh- Darawalnimo oo ah shaqo dhib badan oo kuna dhaco baabasiir iyo dhabar xanuun iyo sidoo kale dabo-malaas yacnii waxaa ka ku noqda baryaha!
D- Kuwo ka shaqeeyo goobaha dalka lagu xanaaneeyo oo xaar ku dhex jira iyo matag
R- Kuwo soo haray waa kuwo lacagta dan-yarta la siiyo ku nool loona yaqaano ( Public Funds) oo waayahan dambe la iskaga daba yimid culays badana la saaro dadka qaata xilliyada ay saxiixayaan.
Qurbo-joogtu iyagoo dhibkaas oo dhan ku jira ayay iska dhigaan dad shaqooyin wanaagsan haysta oo been iyo wax aan jirin dhallinyarada u sheegaan una isticmaalaan weedhaha dhallinyarada waalay ee ah ( Halkan ayay ka shidan tahay) inta waddan dad qurxistay sawir lagu soo galo, waanna mida dhallinyaro badan dhimashada Tahriibka u horseeday.
Waxaan jeclahay in aan aan weydiintan ku soo koobo qormadaydagn gaaban. Ma og tahay xitaa haddii aad jaamacad aad ka soo baxday oo dhaqaalaha ku soo takhasustay ay shaqooyinkani ku sugayaan oo aadan heli doonin shaqo la xiriirta waxa aad soo baratay?
Waddamadan dadkoodu tashadeen lehna siyaasiyiinta wanaagsan nolol iyo nabad waa taalaa waanna laga shaqaysan karaa balse qofkii VISA ku immanaya ma niyad jabaniyo in uu wax ka barto kana shaqaysto balse wiilka iyo gabadha soo Tahriibaya waxaan leeyahay iimaansada dalkeenna Soomaaliya oo u midooba sidii loola xisaabtami lahaa Siyaasiga korkeenna ku taajiray ee qabiilka aan ku taageerno.



Qurbo-joogtana shaqooyinkiina ka run sheega si dhallinyaradu u qancaan.
Mahadsanidiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *