Uncategorized

Daawo Muuqaal : Raisul Wasaarayaasha ugu caansan Yurub oo ilaaladooda ka dhuuntay iyo Yaabka dhacay !!

iftineducation.com – Qaar ka mid ah Raisul Wasaarayaasha ugu caansan Qaarada Yurub ayaa ilaaladooda ka dhuuntay ka dibna waxeey siyaabo kala duwan u dhex galeen Shacabka dalalkooda taas oo dad badan ka yaabsatay .

Raisul Wasaaraha dalka Austria Mr.Christian Kern ayaa tagay goob Maqaaxi ah oo Boosniyaanka iyo Turkida ku iibiyaan Cuntada ama Raashinka loo yaqaan Pitza-da wuxuuna ku guuleystay in uu shacab badan guryahooda ugu geeyo cunto ay dalbadeen .

Sidoo kale Raisul Wasaaraha dalka Slovenia Mr. Borut Pahor ayaa waxa uu noqday shaqsi Wadani ah oo wadooyinka dalkiisa mar kaste ka gura ama ka xaaqa Qashinka kaas oo dhoor jeer ku guuleeystay doorashada xilka Raisul Wasaaranimada dalka Slovenia .

Raisul Wasaaraha dalka Holland Mr. Mark Rutte ayaa inta badan Xafiiskiisa shaqada ku taga Baaskiil kaas oo aan wadan ilaalo hubeysan , wuxuuna Mark Rutte dhoor jeer ka guuleystay madaxda Xisbiyada Cunsuriyiinta oo isku dayay inay la wareegaan xilka talada dalka Holland . 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *