Uncategorized

Cilmi baaris cusub oo lasoo bandhigay waxay leedahay 10kii qof ee aduunka dhinta

iftineducation.com – Cilmi baaris cusub oo lasoo bandhigay waxay leedahay 10kii qof ee aduunka dhinta mid ka mid ah waxaa sabab u ah sigaarka oo dila, waxaa lagu micneeyay in shirkadaha tubaakada soo saara ay ku hardamayaan sidii ay u kala macaamiil badan lahaayeen taasi oo halis sii gelinaysa caafimaadka dadka.


Hay’adda cilmi baasirtan sameysay waxaa lagu magacaaba GBD, xogtana waa natiijada baaritaan ay Hay’addu waday 1990kii ilaa 2015kii. 


Dadka sigaarka u dhinta waxa la sheegay in kala bar ay ku noolyihiin wadamada India, Rusia , America iyo China.





Inkasto shirkadaha ka ganacsada sigaarka ay ku muujiyeen qoraal sheegaya in tubaakadu caafimaadka u darantahay, hadana taasi ma arkaan dadka sigaar-ka qabatimay.




#Xigasho +#Xuquuqda #qoraalka : Jama Deperani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *