Uncategorized

Aamir Khan Ayaa Sabab U Ahaa In Katrina Kaif Doorkeedii Filimka Dhoom 3 Yaraado!

iftineducation.com – Mr. Perfectionist Aamir Khan sanadii 2013 wuxuu sameeyay filimkii All Time Blockbuster-ka noqday Dhoom 3 kaasi oo ganacsi xad dhaaf ah sameeyay sidoo kalena iskooro lixaad lah dhigay.


Hadaba Aamir Khan filimka Dhoom 3 waxaa ku wehliyeen jilaayaasha kala ah Katrina Kaif, Abhishek Bachchan iyo Uday Chopra.


Waxaa la sheegay in Katrina Kaif doorkeeda Dhoom 3 uu ahaa mid ka dheer kana saameyn badnaa midka aan daawanay filimkaan markii tiyaatarada la saaray.


Shabakada Bollywood Life ayaa heshay xog ku aadan in Director-ka filimka Dhoom 3 Vijay Krishna Acharya uu la tashtay Aamir Khan markii filimkaan duubistiisa la dhameeyay lagana jaraayay muuqaalada aan loo baahneyn.


Sidaa darteed Aamir Khan ayaa soo jeediyay in Katrina Kaif muuqaalo badan ay Dhoom 3 ku laheyd la jaro iyo hal hees oo dheeri ah.


Aamir Khan ayaa Director Vijay Krishna Acharya kula taliyay in muuqaalada faraha badan ee Katrina Kaif wax micno ah sameyneyn sidoo kalena daawadayaasha ku caajisi karaan sida darteed la yareeyo muuqaaladeeda!



Dabcan qofka Dhoom 3 daawaday wuu fahmi karaa in Katrina Kaif doorkeeda muuqdo inuu cariiro yahay sidoo kalena aan la siinin door saameyn leh oo Aamir Khan bandhig ahaan ka ag dhow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *