Uncategorized

XOG CUSUB: Wasiirada La Magacaabay Oo Aan Ahayn Liiska Saxda Ahaa Ee Farmaajo Iyo Kheyre

iftineducation.com – Xog hoose oo ay heshay wakaaladda wararka Baxdo.com ayaa sheegaysa in wasiirada Talaadadii uu magacaabay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre aanu ahayn kii saxda ahaa ee la doonayey in la magacaabo.


Xogtu ayaa tilmaamaysa in wasiiradan ay yihiin kuwo qorshe gaar ah laga leeyahay, islamarkaana ay isla ogyihiin madaxweynaha iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha.


Liiska saxda ah ayaa markii la magacaabi lahaa waxaa la sheegay in la dareemay guux aan caadi ahayn, balse si ay qanacsanaan u timaado ayaa xubnahan loo magacaabay.


Kheyre iyo sidoo kale Farmaajo aad bay u ogsoon yihiin in arin ay ka imaan doonto Wasiiradan, balse waxay ku talogaleen in liiskooda saxda ah ay keenaan marka Baarlamaanka diido kuwaan.



Liiska saxda ah ayaa ka kooban isaga dhan 25 wasiiro, ku xigeen iyowasiiru dowlayaal, waxaana u badan shaqsiyaadkii xukuumaddii tayo iyo sidoo kale xubno Maraykanka laga soo xulay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *