Uncategorized

Xasuus Horre: Markii Kareena Kapoor Guur Ka Diiday Salman Iyo John Kana Raacday Shahid Kapoor

iftineducation.com – Maanta baraha bulshada waxaa lasoo dhigay Video xasuus dheer na galiyay kaasi oo ka hadlaayo xili ay dhacday in Kareena Kapoor Khan ay codsi guur ka diiday atoorayaasha caanka ah Salman Khan iyo John Abraham waxayna ka raacday Shahid Kapoor.


Sheekada aan sharaxaad ka bixino waxay ahayd xaflad sanadii 2007 ay masraxeeda wada camireen Kareena, John iyo Salman waxayna goobta ka qaadeen heeskii hirgalay ‘TUJHSE SHAADI KARUNGI’


Hadaba John iyo Salman ayaa Kareena ka dalbanayaan guur laakii ayagoo dhahayaan maku guursanaa waxay ka raaceysaa Shahid Kapoor oo masraxa soo koraayo kuna dhaheyo ma i guursanee kadiba sare ayuu u qaadayaa ama wuu xambaarayaa!


Waa xasuus horre oo aan marnaba la hilmaami karin waxayna Bebo habeenkaas goobta ka muujisay midka ay dooratay inuu Shahid Kapoor yahay sidoo kalena guursan doono.


Sidoo kalena isla xiligaas agteeda Kareena mar ay wareysi bixineesay waxay dhahday “Hubaal ahaan Shahid Kapoor ayaan guursan doonaa waayo ma ihi kuwa hadba xiriir ku boodaan ee qofkaan barto waan ku xasilaa!!”


10-sano ka hor Kareena 100% kalsooni ah ayay qabtay inay Shahid is guursan doonaan laakiin nasiib daro midaas ma dhicin labadaan lamaane nolosha wey isku firaaqeeyeen.


Haatana qof walbo nolo u gaar ah oo farxad ku dheehan ayuu dhexda kaga jiraa, Kareena waxay guursatay Saif Ali Khan oo ay 4-bilood ka hor u dhashay wiil loo bixiyay Taimur Ali Khan.





Sidoo kalena Shahid Kapoor isagan sanadii 2015 wuxuu guursaday Mira Rajput oo sanadkii hore gaar ahaan bishii August gabbar u dhashay loona bixiyay Misha Kapoor.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *