Uncategorized

Wasiirka Gaashaandhiga oo Booqday Saldhiga ay Turkey ka dhisayaan Muqdisho & Ciidamo la diyaariyay

iftineducation.com – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa kormeer ku tagey xarun ay u dhiseen Dowladda Turkigu Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla degaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, Waxana ay xaruntani soo saari doontaa Saraakiil loo tababaray qaab casri ah.


Dhismaha Xaruntani oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxaana Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud ahaan qeybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha xaruntani.


Mudane Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, 




isagoo xusay dhismaha Xaruntani  ay door weyn  ka ciyaari doonto horumarinta iyo kor u qaadidda tayada Ciidanka, gaar ahaan Saraakiisha oo ilaa iyo burburkii Dowladda aan helin goob tababar ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *