Uncategorized

Roob xalay ka da’ay Muqdisho iyo cabsi laga qabo in uu saameeyo barakacayaasha

iftineducation.com – Roobka Guga ayaa xalay ka curtay gobolka Banaadir, iyadoo ay ku qabowsadeen bulshada gobolka ku nool.


Roobka ayaa bilowday saaka saladdii subax, waxaana uu ka da’ay guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir.


Qaar ka mid ah maamulada Degmooyinka ayaa walaac ka muujiyay in roobka uu saameyn ku yeesho qoysaska ka soo barakacay qaar ka mid ah gobollda dalka ee ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku yaala duleedka Muqdisho.


Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qoysas horleh oo dhawaan ka soo barakacay gobollada dalka ay iminka daadsanyihiin qeybo ka mid ah degmada, kuwaasi oo uu sheegay inaysan heysan Hooy iyo meelo kale oo ay gabaad ka dhigtaan qabowga iyo roobka isbiirsaday.


                                                                                            



Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in uu ka cabsi qabo in roobka ay ka dhashaan cudurada faafa, waxaana uu shacabka ka codsaday inay kaalmo deg deg ah la soo gaaraan walaalood ku soo barakacay degmada Kaxda ee Hooy la;aanta heysato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *