Uncategorized

Naxariistani Waxay Ii Samaynaysaa Rajo” Islaantii Darbiga Warqada Ku Dhejisay..

iftineducation.com – Waxay dariiqa sudhay warqad ay ku qortay “Waxa iga lumay 20 Dinaar , qofkii helaa ha ii keeno waxaan deganahay dabaqa iyo qolka No…waayo waxaan casho siisto ma haysto.!


Qof kastaa wuu akhriyaa waxaan uu yidha “ Allah ha u soo dhoweeyo”. Laakiin Qof ayaa markuu akhriyay dareenkiisu isbedely ka dibna wuxuu ugu tegay islaantii qolkeeda, isagoo sheeganaya inuu helay 20-kii Dinaar ee ka lumay si uu u siiyo.


Markii ay ka qaadatay ayay Islaantii oohin bilowday oo ku tidhi “ Wiilkaygiiyow aniga waxba igama lumin, laakiin, waxaan la yaabay dareenkaaga”. Baahidda ayaan sheegan kari waayay. Imika warqadda ogaysiiska ah meesha ka jar.







Waxayna tidhi “ Naxariistiinu waxay ii samaynaysa rajo, waxayna ii ogolaanaysa inaan dareemo quruxda dunida. Weliga qof baahan ha dhaafin adigoo qof  ladan ah. Sidaas ayay dad badani u aamusan yihiin iyagoo baahan.






Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *