Uncategorized

Muqdisho & fanka Banaadiriga & laamanaha xilligan ugu shidan C/casiis Tarzan & Biibi Zeeko [WAREYSI]

iftineducation.com – Fanka Banaadiriga, oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, ayaa mar kale si weyn saameyn ugu yeeshay Magaalada, waxaanna shaqsiyaadka hormuudka ka ah xilligan ka mid ah C/casiis Nuuri [Tarzan] & Farxiyo Saciid Axmed [Biibi Zeeko) oo noqday lamaanaha loogu jecel yahay heesahooda & bandhig fanneedyada ay qabtaan.



C/casiis Tarzan oo lagu wareystay barnaamijka fanka & fannaanka, ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ku soo laabteen fannaaniin caan ah oo ka tirsanaa kooxihii Waaberi Star, Iftin & Shareero, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in dhowr & 20 sanno kaddib mar kale loo daawasha tegi doono Golaha murtida & madadaaladda.


“Dhowr & 20-kii sanno waxaan ka mid aheyn aniga & xaaskeyga Biibi Zeko dadkii aan dalka ka bixin, waxaan sameynay ruwaayado kala duwan, sidoo kale waxaan soo saarnay albumo cusub, waxaa hadda nagu soo biiray fannaaniin ay ka mid yihiin Shimaali Axmed Shimaali, Xaaji Xinni & Siidii Cali Winkeey, waxaan ka codsaneynaa wasaaradda warfaafinta & hanuuninta dadweynaha in ay dedejiyaan dib u furista Golaha murtida & madadaalada [National Theatre]” Ayuu yiri C/casiis Tarzan.
“Fankii Banaadiriga wuu nool yahay, fannaaniintiina waa joogaan, waxaan baahi weyn u qabnaa qalabkii muusikada lagu garaaci lahaa” Ayeey tiri Biibti Zeeko.
Kala xiriir C/casiis Nuuri Tarzan & Biibi Zeeko +252-617886424/+252-616117814

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *