Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa Kenya

iftineducation.com – Madaxweynaha Jahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.


Labada Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xagga ganacsiga, xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, xoojinta la dagaallanka argagixisada Al-shabaab iyo arrimo kale.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay dalka Kenya waxaa uu halkaasi uga qeyb geli doonaa Shir-madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo 25-ka bishan ka dhici doona magaalada Nairobi, 





kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo dhowr ah oo gobolka khuseeya oo ay ugu horreyso arrinta qoxootiga.


            

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *