Uncategorized

Itoobiya oo 10 Qodob ku sifeysay in lagu ogaan doono Mustaqbalka Madaxweyne Farmaajo & Arimo xasaasi ah oo….

iftineducation.com – CDRC oo ah hey’ad bil kasta soo saarto joornaal ay kaga hadleyso baaritaano iy warbixino isla markaasna laga leeyahay dalka Itoobiya ayaa qoraal dheer oo 10 bog ah kasoo saartay doorashadii Farmaajo, Magacaabista Ra’isulwasaate Kheyre, caqabadaha hor taagan iyo sida ay noqon doonaan wasiirada.


Haddaba Hey’adaan itoobiyaanka ah ayaa soo saartay 10 qodob oo lagu ogaan doono mustaqbalka dowladda cusub ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.


Hoos ka aqriso 10-ka qodob oo ay soo bandhigtay Itoobiya in lagu xaqiijin doobo sida ay noqon doonto mustaqbalka dowladda Farmaajo


1. Kadib ansixinta Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, dastuurka saxda ah ee golaha wasiirada ayaa go’aamin doono mustaqbalka howlaha dowladda.


2. Sida horey loo soo tijaabiyey baarlamaanka oo markii horeba doortay madaxweynaha ayaa caqabad ku noqon karo dowladda, Su’aasha ayaa ah go’aan noocee ah ayey baarlamaanka ka qaadan doonaan golaha wasiirada ee dhawaan lasoo dhisayo? Waxaa baarlamaanka ku jiro xildhibaano qabyaaliistayaal ah oo ka fakarayo qaabka ay noqon karaa wasiirada iyo sida ay beelaha u qeybsan karaan, midda ugu weyn ee lagu ogaan karo mustaqbalka dowladda cusub waa sida ay u maareyso Baarlamaanka, sida la ogyahayna xubnaha Baarlamaanka waxay kusoo baxeyn markii hore lacag, waxaana macquul ah inay mooshino badan keenaan si ay lacagtooda usoo ceshtaan.


3. Sida uu madaxweynaha ula dhaqmo Maamul Goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, oo la ogyahay inay dhawr jeer isku dagaaleyn beelaha Ogaadeyn, Mareexaan iyo Harti, waana arrin lagu ogaano doono mustaqbalka dowladda, sidoo kale waxaa laga war sugayaa sida uu u wajaho dagaalada u dhaxeeyo Puntland iyo Galmudug iyo qaabka uu u xaliyo xuduudda la isku heysto, dhanka kalana waxaa la sugayaa sida ay ula macaamisho Ahlu Sunna kuwaas oo dhawr jeer dagaal kula galay deegaanadaas ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, halka la dhoorayo sida uu ula dhaqmo Hirshabelle oo ay dagaan beesha madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday.


4. Sida uu ula dhaqmo Somaliland oo uu sheegay inuu dib u heshiisiin la geli doono, caqabadda ugu weyn ee uu la kulmi doono waa dhibaatadii uu dadkaas u geystay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo ay isku qabiil yihiin madaxweynaha cusub ee Farmaajo.


5. Sida ay dowladda u wiiqdo awoodda Al-Shabaab oo dhawaan muujiyey sida ay uga soo horjeedaan dowladda cusub marki ay Muqdisho ka fuliyeen dilal iyo qaraxyo.


6. Sida uu ula macaamilo siyaasiyiintii ay lacagta uga baxday doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliya, tallaabada ugu horeysay oo uu qaadayna waxay aheyd inuu Ra’isulwasaare ka dhigay shaqsi ay isla soo shaqeyn jireyn madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud.


7. Sida uu dib u heshiisiin rasmi ah uga dhex dhaliyo qabiilada is dagaashan ee soomaaliya.


8. Sida ay dowladda cusub uga soo baxday ballanqaadyadii ahaa inay xoogaa saari doonto tayeynta ciidamada Xoogga iyo bixinta si joogto ah mushaaraadkooda.


9. Xiriirka ay dowladda cusub la yeelato dowladaha dariska ah oo fure u ah siyaasadda iyo xasiloonida Soomaaliya, sidoo kalana waxaa laga war sugayaa sida ay ula macaamisho dowladaha isku heysto maagelinta Soomaaliya ee kala ah: UAE, Saudi Arabia, Turkey iyo Egypt





10. Sida ay deg deg wax ugu qabato dadka abaaraha ay saameysay iyo sida ay ugu fidiso gurmadyada caalamiga ah waa astaan kale oo lagu ogaan karo mustaqbalka dowladda cusub.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *