Uncategorized

Hay’adda Qadar Kheyriyah oo Daahfurtay Mashruuc lagu Gargaarayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen

iftineducation.com – Hay’adda Qadar Kheyriyah oo ka shaqeysa howlaha samafalka ayaa maanta daahfurtay mashruuc deeqo lacageed iyo gurmad lagu gaarsiinayo 14,000  oo ah qoysas isugu jira danyar ,agoon iyo kuwa ay Abaaraha saameeyeen oo ku kala nool magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka iyadoo furitaanka mashruucaasi ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Dowladda Qadar u qaabilsan Soomaaliya Xasan Binu Xamza  iyo masuuliyiin katirsan Hay’adda qadar Kheyriyaha.







Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah Culumaa’udiinka Somaaliyeed oo ka hadlay goobta dadkaasi  lacagta loogu qeybinayay ayaa sheegay inay tahay waajib diini ah is caawinta dadka muslimiinta ah loona baahan yahay in dadka Somaaliyeed ay is gargaaraan maadaama dalka ay kajirto abaar si daran u saameysay dadka iyo duunyada.


Ugu dambeyntii dadkii danyarta ahaa ee maanta Hay’adda Qadar Kheyriyah ay u qeybisay deeqda lacageed oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedyada magaalada ayaa u mahad  celiayay Hay’adda qadar iyagoona balanqaaday in deeqda lasiiyay qeyb kamid ah ay sii gaarsiin doonaan walaalahooda ay abaartu saameysay ee kusoo barakacaya Caasimada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *