Uncategorized

AQRISO Arin Aadan Ka warqabin Lakin aad ku Farxi Doonto…

iftineducation.com –  AQRISO Arin Aadan Ka warqabin Lakin aad ku Farxi Doonto… 👍🏽


• Muxuu ahaa Codsiga Ben Stiller ?


Aktarka caanka ah ee reer Mareykan Ben Stiller ayaa Barta Twitterka ka bilaabay Olole uu Turkish Airline kaga dalbanaayo in ay ku deeqaan hal diyaarad oo weyn oo qaada Cunto iyo Cabitaan si ay u gaarsiyaan Dadka Somaliya ku dhibaateeysan





Wuxuu Taageerayaashiisa ka codsaday in qof walba Cinwaakiisa uu soo dhigo Kalmadda (TuskishairlinehelpSomalia), waana dhacday oo malaayiin qofood ayaa campaign-ka ka qeyb qaadatay


• Jawaabta Turkish Airline 


Turkish Airline oo aragtay codsiyada loo soo gudbinaayo ayaa si rasmi ah Bogooda waxay kusoo qoreen (Waan jecelnahay Somaliya, waana aqbalnay in si Free aan ku qaadno Gargaarka Somaliya la geynaayo)


Fikirka lagu caawinayo Somalida abaarta ay heyso waxaa markii hore bilaabay wiil 26 jir reer France ah.


• Waa Imisa Lacagta La Aruuriyay ?


Hada Aktarka iyo Taageerayaahiisa ayaa 24 saac ee ugu dambeeysay Iska aruuriyay lacag dhan 833 Kun oo dollar si Diyaaradaas looga buuxiyo Cunto, Cabitaan, Dhar, Daawooyin iyo Gargaar kale.


Arintaan ayaa baraha bulshada qabsatay, Waxaana wali socda Ololaha Diyaarada lagu buuxinaayo


• 27 Bishaan Diyaaradda Waa Diyaar 


Diyaarad nooceeda uu yahay TK686 Turkish Airlines ayaa 10 maalin u qabatay actarka in uu Kusoo diyaariyo Gargaarka dhan 60 Kun oo tan, waana diyaarad aad u weyn oo qaadi karta Gargaar ka badan 5 Milyan oo Dollar.


27 bishaan ayaa lagu wadaa diyaaradaas oo sida Gargaar badan in ay soo cago dhigato Muqdisho.


Wallahi Alle dartiis ayaan arintaan ugu farxay, Dad aan Somali ahayn ayaa damqaday oo u istaagay in ay gargaar u fidiyaan Walaalaheen dhibaateeysan


Please hadii aad ka damqaneeyso Somalida abaarta heyso u duceey dadka Ololahaan wado in alle uu u fududeeyo si Loo caawiyo Walaalaha Abaarta ay dilootay


Allow u fududeey aamin yaa rabbi 😭😭😥😪😢😰🇺🇸🇺🇸🇺🇸🇺🇸🇺🇸 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *