Uncategorized

Akshay Kumar “Dumarka Waa Jaajuuska Ugu Wanaagsan Aduunka, Nin Walbo Waad Weyndiin Kartaa!”

iftineducation.com Super Star Akshay Kumar ayaa amaan lixaad leh kala dul dhacay dumarka aduunka xili uu 49-jirkaan xayeysiin u sameenayay filimka Naam Shabana ee Taapsee Pannu hogaamiye ka tahay.


Akshay Kumar ayaa muuqaal marti ah ku leh filimka Naam Shabana oo ay Taapsee Pannu ku mataleyso gabbar sirdoon ah oo jaajuus mataleyso xogaha halista ah waaxda sirdoonka Hindiya usoo gudbiso.


Akshay Kumar wuxuu yiri “Marka aan fiirin Shabakadaha sirdoonka caalamiga ah sida CIA ama Mossad haweenka ayaa u ah jaajuuska ugu wanaagsan oo ay adeegsadaan, sidoo kalena nin kasto oo reer leh waad weydiin kartaa midaas”


“Kaftan igama ahan waayo raggeena wax walbo ahmiyad ma siino laakiin dumarka waa kuwo feejigan sidoo kalena xog kasto heli karaan waana sababta keentay in sirdoonka aduunka ugu sareeyaan ay haween yihiin”


“Ma aqaan xeeladaha kala duwan oo ay dumarka adeegsadaan laakiin waxaan dhihi karaa sirdoonka aduunka ugu wanaagsan oo hawl gal kasto ka miro dhalin karaan”



Filimka Naam Shabana waxaa la daawan doonaa 31-da bisha Maarso sidoo kalena waxaa door muhiim ah ku leh jilaayaasha kala ah Manoj Bajpayee and Prithiviraj Sukumaran with Anupam Kher iyo Danny Denzongpa.






Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *